Madaxweynhuhu Awood ma u Leeyahay inuu Bixiyo Guryaha Dawaladda?

Maye, madaxweyne awoodiisu ma dhaafsiisna inta Dastuurku u caymi wixii aan inta ahayn waa Qayru-sharci. Nidaamka dawlagga ah waxaa u qaybsan awoodaha, Waxaada Fulintu waxay ku shaqaysaa Maamul-sharciyeed (Administration law) oo ah qayb ka mid ah Sharcigga Dadweynhaa (Public law) Waxaada Sharci-dejintu waxay ku shaqaysaa sharci-dejinta, Waaxada Garsoorkuna waxay ku shaqaysaa Dastuurka. Waaxada Garsoorka iyo Xeer-dejinta waxaa si gaar ah waajib uga saran yahay in ku ilaaliyaan Waaxada Fulinta awoodeeda (Constraints on Government Powers)

Waaxada funlintu waxay fulisaa wixii sharci ah ee ka soo baxa sharci-dejinta, waxaa is weydin muddan sidee ayay ku fulisaa sharcigga? Marka sharcigu ka soo baxo waxaada sharci-dejinta, wuxuu soo gaadha waaxada fulinta oo ka kooban wasaaradaha, ha’yadaha, dawladaha hoose oo si dadban u hoose taga iyo wixii soo raaca, qaybahaa waaxada fulinta ayaa xeer kasta oo ka soo baxa waaxada xeer-jedinta ka waajib-qaata.

Waaxada sharci-dejinta waa waaxada u xil-saaran in ay dejiso-xeererka dalka, waxaa isweydin muddan sidee ayay waaxadan xeerka ku soo dejisaa? Waxaan ognahay in golaha wakiiladu ay sharciga-dejinayaan, xaqiiqada waxay tahay in aysan xubnaha wakiiladu aysan wax xeer ah aysan samayn, waxaa xeerka sameeya dadka aqoonta gaarka ah u leh waxaa marka laga hadalayo ama la rabo in xeer laga dejinaayo (Khabiiradda) (expert). Tu’saale haddii laga hadlayo in xeerka cafimaadka la sameeyo waxaa la soo ururinayaa dadka aqoonta khaaska u leh arrimaha cafimaadka iyo wixii la xidhiidha, sida Dhakhtiirta kuwa sida gaarka ah ugu takhsusay (Public Health), Sharcyaqaanada cafimaadka, Cilmigga bulshada, iwm, khubradda ayaa soo sameeya sharcigga cafimaadka, marka ayaa la hore keena Golah sharci-dejinta sida ayay ku xubnaha golaha sharci-dejintu ku ansixiyaan ama ku diidaan.
Waaxada Garsoosrku waxay ugu weyne ee ay ku shaqaysaa Dastuurka, haddii waaxaha dawaladu is qabtaan waxaa kala saara waaxada garsoorka, waxaada Garsoorku waxay kale oo ay kala saarta muwaadinka iyo qaybaha ka midka aha dawlada. Tu’saale haddii qof muwaadin ah iyo dawlada hoose ama wasaarad ay is qabtaan, waxaa muwaadinku xaq u leeyahay inuu dacwadiisa u gudbisto Maxkamada Sare (Supreme Court), wax kale oo ay fasirtaa Dastuurka laftiisa.

Madaxweyne awoodiisa waa mid xadidan taasi oo si cad u qeexay Dastuurka qodobkiisa 90aad, wuxuu leeyahay sida:
Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:
1.            Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda.
2.            Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasurada.
3.            Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawadda marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:
b.            Hanti-dhowraha Guud;
t.             Guddoomiyaha Baanka-dhexe;
j.              Guddoomiyaha iyo Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawadda;
x.            Xisaabiyaha Guud;
kh.          Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha;
d.            Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;
r.             Danjirayaasha;
s.             Xeer-ilaaliyaha Guud; iyo
dh.          Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo magacaabistooda iyo xil-ka-wareejintooda.
4.            Hoggaaminta ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Tahyaha Guud (Commander-in-Chief).
5.            Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda Shareecadda lslaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado hay’adaha ku shaqada leh.
6.            Saxeexa heshiisyada caalamiga ah.
7.           Ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland.
8.            Qaabilaadda diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda (Credentials).
9.            Magacaabidda danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland dalalka shisheeyaha ah, ururada caalamiga ah iyo kuwa gobollada adduuunka.
10.         Bixinta astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha.
11.          Hoggaaminta xaaladaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalad degdeg ah.
12.         Fulinta xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman;
13.         Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale.
14.         Madaxwaynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan.

Waxaa awoodda qodobka 90aad qeexayo u weheliya midka xaaladaha degdega ah oo Qodobka 92aad, laakin ku kooban saddex (3) farqi sidan u qoran:
1.            Marka ay soo if-baxaan xaalado gaar ah oo halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale, waxa Madaxweynuhu soo saarayaa xeerar deg-deg ah oo lagu joojinayo khataraha kor ku sheegan. Haddii Golayaasha Baarlamaanku fadhiyaan marka uu xeerarka degdegga ah soo saarayo Madaxweynuhu, waa inuu ugu gudbiyo muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah si ay go’aanno uga gaadhaan. Haddii aanay Golayaashu fadhiyin waxa Gudoomiyayaashoodu isugu yeedhayaan Golayaasha fadhi aan caadi ahayn muddo 14 maalmood gudahood ah. Xukuumaduna way ku sii dhaqmi kartaa xeerarkaas inta ay Golayaashu go’aan ka gaadhayaan.
2.            Xeerarka degdegga ah waxay yeelan doonaan awoodda xeerarka ka soo baxa Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida), waxayna dhaqan gelayaan marka uu saxeexo Madaxweynuhu.
3.            Waxa xeerarka degdegga ah dib-u-eegid ay 2da Gole ku samayn doonaan saddexdii (3) biloodba hal mar iyaga oo go’aankoodu ku salaysnaan doono codka hal dheeriga ah (Simple Majority)

Waxaad arkaysaa dad badan oo ku dooda in madaxweynhu awood u leeyahay inuu bixiyo guriyaha dawlada, kuwaasi oo ku odhanayaa, waa sunaha dawlada waxaa bixiyey Madaxweyne Cigaal (Alle haw naxariisee) iyo Riyaale, haddii aysan ku bixin sida Dastuurku dhigayo waa Qayrl-sharci in laga dabtagaa waa mid waajib ah. Qodobka 12aad, farqaddisa 3aad ee Dastruuku wuxuu qorayaa sida:
3.  Xukuumaddu waxay awood u leedahay may yeelato, gacanta ku hayso, hanti-guurto ama ma-guurto ah, may ubsato, ubiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.
Meel kale oo ay dastuurka kaga taala ma jirto inuu Madxweynhu awood u leeyahay inuu cida uu doon wareegto ugu qori karo guri hanti-ummadeeda ah. Cid kasta oo ku haysta ama ku kasbata wareegto Madaxweyne hanti-maguurto ah iyo mid guurto ba ah waa mid aan sinaba Somaliland looga ogolaan karin. Sharcigga inuu uu sareeyo ayaa waajib ah.

 

 

By Osman Awad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker