Daawo Qaabkii  Saalada Ciidal Fidriga Shacabka Reer BERBERA

Masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera oo ay weheliyaan masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee gobolkaas, ayaa saaka dadweynaha Berbera meel fagaare ah kula tukaday salaadii ciidal fidriga.

 

Masuuliyiinta dadweynaha kala qayb galay tukashada salaada ciidal fidriga waxaa mid ahaa Guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, Iskuduwaha Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta ee gobolka Saaxil Axmed Maxamed Faraare, Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariim Aadan Siciid, masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee gobolka Saaxil iyo qaar ka mida culima-awdiinka degmadaas.

Masuuliytiintaasi waxay guud ahaan shacabka Somaliland ee munaasida ciidal fidriga awgeed dalxiiska u imanaya badda magaalada Berbera ay u soo jeediyeen inay ka feejignaadaan badda, maadaama oo ay halisi ka dhalan karto oo sannad kasta ay ku dhintaan dhallinyaro ka yimid gobollada kale.

Sidoo kale waxay masuuliyiintaasi guud ahaan dadweynaha reer Somliland, gaar ahaan kuwa gobolka Saaxil ugu hambalyeeyeen farxada munaasibada ciidal-fidriga, waxaanay u soo jeediyeen in ay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan ilaalinta xasiloonida iyo ka shaqaynta horumarka dalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker