Dr. GALAYDH vs FAYSAL C. WARAABE

#Faysal: Dr Cali Khaliif bal warran, beryahaa guryahaa lagu xeraysnaayoo la isma arkine
#Dr. Galaydh: War hooy daf-daf lahayne kursigaa dhankaa u jiido.
#Faysal: Dr. Galaydhoow waad qiyaasaysaa saaka waxa isoo kallihiyey.
#Dr. Galaydh: Ma Muusaa ku soo diray!
#Faysal: Mayee, saw maad naqal ninkaad ilmaadeerka ahaydeen ee Baashe wuxuu igu sameeyey
#Dr. Galaydh: War hooy ninkaasi waxba kuma odhane wuuba kuu tudhaye, wiilyohow maad cagaha dhulka dhigtid.
#Faysal: Ma nimka waxaad ogayd igula hadlayey  ee ilaa Xamar sheekada gaadhsiiyey
#Dr. Galaydh: War hooy Xamar wixii yaalley iyo nin walba kaalintiisa waa la ogyahe maad ummadda ka fadhiisatid.
#Faysal: Ma adaaba ku raacsan
#Dr. Galaydh “soo bax baa la leeyahayoo sacabkay leefaysaa”
#Faysal: Sheekadan aad nimankiinnan Dhulbahante isla dhex martaan ma run baad moodday
#Dr. Galaydh: War hooy hadalka bannaanka ha iga wada keenin, Xamar wixii ka jirey xogogaal baan u ahaa waxna igagama qarsoonee
#Faysal: Anigu Xamar dee dadka cuqdad kamaan qabin, dagaalkii waddankan loo soo galayna halkaasaan kaga jirey waana la yaqaan taariikhdayda.
#Dr. Galaydh war hooy wixii ka socday Bar Liido, Bar Bulsho, Tarabuunka iyo Bar Afrik xogogaal baan u ahaaye ha i qodqodin.
#Faysal: Dacaayadaha raqiiska ah ee cadowga ayaad maqashay
#Dr  Galaydh: War hooy “nin reer u weyn iyo qof dumar ah oo ummiliso ahi midkoodna siduu wax u ogyahay uma sheego” ee hadalka bannaanka ha iga wada keenin.
#Faysal: Wallaahi nin walba taariikhdiisa waa la hayaa, aniga rag badan oo dhulbahante ah ayaannu saaxiib ahayn wayna i yaqaannaan, Baydhabo iyo Marka ayaannu qaar kawada shaqayn jirney.
#Dr. Galaydh: War hooy huteelkii Zoobbe ee Baydhabo iyo xeebtii Saambuusina “walaxaa la sheegsheegayey”
#Faysal: Maxaa la sheegsheegayey.
#Dr. Galaydh: “War saw sakaaro ima barato” war hooy “anigu ku sheegsheegi maayee camalkaagu yuu sheegin”
#Faysal: Wallaahay inaan Hargeysa sidaa lagu wada joogayn
#Dr. Galaydh: War hooy “siddi siddi lahayne dhul dhacaaga hubso”. Aniga layma hanjabee Hargeysa ninna marti uma ihi ninna magan uma ihiye.
#Faysal: Ma anoo nin Ciidagale ah oo reer Sheekh Isaxaaq ah ayaad Hargeysa beelaha darafyadu igu xagxagan karaan
#Dr. Galaydh: War hooy falli waallidani waa waxaad maalinba meel lugta u sudhanayside bal wax hubso. Darafyadaa aad sheegaysid sida Hargeysa looga yaqaan Ciidagaluhu waa ka mid, weliba waa ka koow!
#Faysal: Annagu xisbi maanaan yeelaneen haddaanu darafyada nahay, taasi waa gef inaad darafyada nagu sheegto.
#Dr. Galaydh: War hooy xisbigan ina Cigaal baa kuu sameeyey, sababtuu kuugu sameeyeyna waa macruuf.
#Faysal: Adaaba Baashe igaga daran, illeyn waxan waad wada qabtaan reerihiinna faqashtu.
#Dr. Galaydh: “Ku qariyey qariyee Guncad”
#Faysal: Wallaahi waan iska kiin celinayaa ma anaa Hargeysa laygu hanjabaa, waa waxaynu kala qaadno
#Dr. Galaydh: Nin iin lihi inuu fududaado looga roone cagaha dhulka dhig. Haddaadse gardarrada joojin weydey “wallee karis xumeey adna ku wax li’id”.
Faysal: La ismaba yaqaannee waa la is baran
#Dr. Galaydh: Haat burhaanak. War hooy “unguided missile” baad tahayoo, aakhirka adaa isa salfan doona haddaadan beddelin sidan aad ku socotid.
#Faysal: Waa inoo laba xiniinyood
#Dr. Galaydh: “Laa ikraah fid-diin”.
W/Q: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker