Maxaad kala socotaa Badownimada iyo borotokool xumida mas,uuliinta s/land!

inkasta Guud ahaan Dadka somalida ahi ay uu haystaan  in Dadka reer s/land yihiin  Dadka ugu mutacalimsan , ugu xadaarada dheer uguna ilbaxsan  umadda soomaaliyeed taasina  ay qayb katahay  sababta ay  somalidu ilaa  iminka uga hadhi waayeen ugana quusaan waayeen somaliland, inkasta  oo iminka laga joogo 27 sano  markii Dib loo yagleelay Dawladnimada somaliland  taas oo ah  wakhti dheer oo ku filan in mas,uuliinta somaliland bartaan  hab dhaqanka ,hab maamuuska  iyo borotokoolka  ay ku shaqeeyaan dawladaha caalamku  hadana waxaad  mooda in aanay mas,uuliinta s/land  xilba arintaas  iska saarin  ama  ay dhayal sadaanba. hadaad  televisionada  caalamka daawatid  waxaad arkaysaa  madaxda iyo mas.uuliinta dawladaha caalamka  gidigood dawlad wen iyo mid yar iyo mid faqiir ah intuba  waxay isticmaalaan borotokool isku mid ah  oo dunida oo dhan ay  iskaga wada dayatay.

hadaba  bal ila eega   hab maamuus xumida  ay ku dhaqmaan mas,uuliinta s/land:
1-  waxaad  arkaysaa  mas,uuliinta s/land  oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ilaa  wasiirada iyo mas,uuliinta kale ee Dawlada oo shaqadoodii rasmiga ahayd  ku jira  oo xidhan ama gashan   Dharka loo yaqaan (khamiiska) ama (kandoorada) ama (Dishdaashada)  oo  ah  Dhar shisheeye leeyahay oo aanay somaliland u lahayn dhaqan iyo caado midna  , dhar kaas  waxa iska leh  Dalalka carabta waxaana si official ah oo rasmiya u xidha  Dalalka khaliijka oo qudha  cid kale oo xidhataa ma jiro  xitaa Dalalka carabta ee kale sida masar,ciraaq,suuriya ,jordan  oo  dharkaas  lagu xidho  arki maysid mas,uuliintii Dawlada oo xidhan    taasi  waxay  ka turjumaysa   sida aanay mas,uuliinta s/land  u fahamsanayn hab maamuuska  ay  madaxda iyo mas,uuliinta caalamku ku shaqeeyaan ,waxaanad moodaa  in ay uba  haystaan  in qofka mas,uul ka ahi  iska xidhan karo dharka uu dono,  bal  ka warama  hadii  la  arko madaxweynaha ethiopia ama madax weynaha kenya  ama  madax weynaha Djibouti  oo xidhan  (khamiis) ama  dharka lagu gashado Dalka pakistan !    . kaaga sii darane  waxaad  arkaysa  madaxweynaha s/land ama ku xigeenkiisa  oo  qaabilaya wufuud caalamiya iyaga oo xidhan   (khamiis)!
2- qaabilaada wufuuda shisheeya:    aniga oo aan ujeedin madaxweynaha s/land  ee  iminka oo qudha  bal se  u jeeda  Dhamaan madaxweynayaashii Dalka soo maray oo dhan  ,waxa jira hab maamuus ama borotokool  isku mid ah  oo  madaxda caalamka oo dhan  ay  ku dhaqmaan markay  qaabilayaan wufuud shisheeye  ama  xitaa  wufuud  maxali ah    taas  oo  ah  in qofka wax  qaabilayaa  ama madaxweyne ha ahaado ama ku xigeenkiisa ha ahaado ama wasiir ha ahaadee   in  uu  hor fadhiisto  wafdiga  uu qaabilyo  darajo kasta  ha lahaadee    laakiin  waxaad  arkaysa   madaxweynihii somaliland  ama ku xigeenkiisii ama wasiiradii  oo markay  wufuuda  qaabilayaan usoo fadhiisanaya  sidii  ay  la  shirayaan  mas,uuliintii  ama  shaqaalihii iyaga ka hooseeyey   taas  oo  ah  arin  badownimo ah  oo  fool  xun  oo  aan dunida lagaga dhaqmin   taasna  waxa  eeda  iska leh  shaqaalaha u xilsaaran  borotokoolka  oo  ah  Dad shaqada lagu keenay   eex,qabyaalad iyo naas nuujin  balsee  aan  wax  aqoon ah ulahayn borotokoolka!
3-  waxaad  arkaysa  madax weynaha somaliland  weliba  mdaxweynaha hada jooga muuse Biixi  oo  marka uu qaabilayo wafdi shisheeye  markiiba  wafdiga  lakoraya ama  ku soo dhowaynaya   (shahaado sharaf) !  taas   oo aan  ahayn  wax  daruuri ah  iyo wax somaliland wax utaraya midna  laaakiin  Badownimo ah      waayo wafdiga  kuu imanaya  marwalba wuxuu kuula imanaya isaga  oo xambaarsan  moowqfika dawladiisu ama hay adda uu ka socdaa ka qabto  somaliland   , shahaado sharaf ama hadyad aad  waftiga siisaana  wax  ba ka bedeli maayaan  arintaas   waxana taas  dhaanta  adiga  oo is  adkeeya  oo iska dhiga  in  aanad  muhtam ba ku ahayn  imaatinka waftigaas   Dabeedna  ka dhegaysta  waxay kuula yimaadaan   una  sheega  moofqifka somaliland  iyo  waxa ay uga baahantahay  Dawlada ama hay adda wafdigu ka socdo..
la socda  qaybaha kale
khadar xussen
Jeddah,KSA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker