Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo qaab casri ah uga hortaggeysa qishka

 Jamhuuriyadda  Soomaaliland waxaa looga diyaar garoobayaa qaadista imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dugsiyada fasalada siddeedaad iyo afaraad ee sannad dugsiyeedka 2018 iyo2019-ka.

Sannad kasta, marka la gaaro xilligan oo kale waxaa badata hadal heynta ku aadan qishka, waxaana jiraa walaaca qishka laga qabo oo ay sii xoojiyeen telefoonada gacanta ee ku xiriirsan qadka internet-ka.

Xafiiska imtixaanada shahaadiga ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday qalab gaar ah oo beegsanaya teleefoonada kana dhigayo kuwo aanan shaqeynin inta ay socdaan imtixaanada. Tani waxa ay ka dhigantahay in taleefoonka ay anteenada ka maqnaanayso inta uu imtixaamka socdo.

Ku-xigeenka xafiiska imtixaanada Somaliland, Xasan Muxumed Qalinle ayaa sheegay in muddo ah inay dadaal ugu jireen sidii ay u xakameyn lahaayeen qishka ay sameeyaan ardeyda si loo helo waxbarasho tayo leh oo hufan.

Waxaa uu ka dhawaajiyay in ‘xukuumadda ay sannadkan ka taakuleysay dhaqaalaha lagu dhaqengelinayaan qalabkan sii teleefoonada hawada looga saaro xilligga imtixaanaadka’.

Xasan Qalinle waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in teleefoonada ay sida ‘dhagaxaan noqon doonaan oo aanan wax howl ah qaban doonin isla markaasna ardeyda sidata aysan u suurageli doonin in wax isdaba marin ah ay ku dhaqaaqaan muddada ay socdaan imtixaanaadka.

 

“Mobile-ladu dhagaxaan bey noqonayaan , wax aanan howl qaban karin ayay noqonayaan, qalabka waxaa uu xiraya hawada intaas oo isku wareeg ah, Mobile shaqeyn karayo ma jiro, ardey kasta waxaa uu maskaxda uu ku hayay umbaa kasoo horreysaa” ayuu yiri Xasan Qalinle oo wareysi siinayay weriyaha BBC, Cabdullaahi Jaamac.

axay tallaabadan ka dhigan tahay in ardeyda Somaliland aysan teleefoonka qish u adeegsan karin marka ay imtixaanaadka galayaan waa haddii si wanaagsan uu u shaqeeyo qalabkan casriga ah.

Ku-xigeenka xafiiska imtixaanada shahaadiga ee Somaliland ayaa sidoo kala sheegay inay tijaabiyeen qalabka oo si weyn ugu faraxsan yihiin sida uu shaqeynayo.

Dhanka kale, qaar kamid ah waaliddiinta ku sugan halkaas ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka lagula dagaalamayo qishka.

Imtixaanadii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka Soomaaliya waxaa dhawaan harreeyay qish kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay ka hor xillliga imtixaanaadka taas oo muran badan dhalisay, waxaa ay dowladda joojisay dhammaan imtixaanadii balse markii dambe ayaa la qaaday imtixaan labaad.

Dhinaca, Maamulka Puntland waxaa lagu guuleystay in laga hortaggo qishka, waxaa uu maamulkaas diiday inuu qeyb ka noqdo imtixaanadii Dowladda Federaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker