War Degdeg ah: Dagaal Kadhex curtay Jabhadda General Caarre Iyo Ciidammada Somaliland

 

 

Ceerigaabo(OWN) Wararka Laga helayo degaannada Dawaco iyo Dhoob ee bariga degmada Ceerigaabo ayaa sheegaya in aaggaas uu goor dhowayd ka bilaabmay dagaal hor leh oo dhexmaraya Jabhadda General-Caarre iyo Ciidammada Millateriga Somaliland.

 

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi sababay, waxase dadka degaankaasi soo sheegayaan in ay degaankaas ku arkeen gaadiidka teknikada ah oo labada dhinacba, iyadoo sida ay sheegayaan aaggaas jabhadda Gen-Caarre oo dhinaca bariga kayimid waaberigii saaka soo gaadheen halka ciidammada dawladduna abbaara sagaalkii subaxnimo degaannadaas gaadheen, dagaalkuna uu bilawday abbaara tobankii subaxnimo.

 

Dhinaca kalena arrintan ayaa u muuqata xiisad colaadeed hor leh oo degaannada degmada Ceerigaabo ka bilaabantay, taasoo aan lasii saadaalin karin mustaqbalka iyo waxa ay ku danbayn doonto.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker