Raisal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Swedan

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Geneva kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden,

 

haweeneyda lagu magacaabo Ann Christin Linde, oo kamid ah Madaxda Geneva uga qaybgalaysa madasha qaxootiga adduunka ee looga hadlayo xal u helidda qaxootiga caalamka.

 

Labada masuul ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka dayn cafinta Somaliya, xoojinta xiriirka labada dowladood, taageerada Sweden ee dib u kabashada iyo qorshayaasha dib u habaynta,

 

waxa ayna isla qireen inay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka dayn cafinta.

 

Dowladda Sweden ayaa Somaliya ka taageertaa barnaamijyada dib u soo kabashada, dib u habaynta iyo dib u dhiska dalka.

 

Kulanka ayaa qayb ka ah shirar doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah Madaxda ka qaybgalaysa madasha qaxootiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker