Qaar kamid ah culimada suufiyada Soomaaliya: “Waxaan xidhiidhka u jarnay wasaaradda diinta”

Qaar kamid ah culumida dariiqooyinka suufiyada ee Ahlu-Sunna Waljamaaca ee Soomaaliya ayaa sheegay inay wadashaqayntii kala laabteen Wasaaradda Diinta ee dawladda federaalka, iyagoo ku eedeeyay inaanay si saxa u maarayn tartanka shirkadduhu u galayaan maamulka xujeyda Soomaaliya ee sanadkan.

Wasaaradda Diinta ayaa sheegtay in shirkaddaha ka soo gudbay wareegga koowaad ay maanta bilaabeen in lala yeesho wareysiyo si ugu dambeyn loo helo shirkaddaha u adeegaya xujeyda Soomaaliya ee sanadkan.

Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo sheegay inuu afhayeen u yahay Golaha Culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa BBC-da uga warramayay cabashada ay qabaaan ayaa ku eedeeyay wasaaradda arrimaha diinta inay ka hor istaagtay inay ka qeybgalaan hannaanka lagu soo xulayo shirkadaha u adeegayo xujeyda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker