Isbadalka Siyaasadeed ee Xisbiga taladda haya ee Somaliland waa Kulmiye Ma Saamayn Doonna Murashaxa Madxwayne Ku Xigeen ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ? W/Q. Mubaarik Fooje

Sida illo Xogogaal u ah Xisbiga Faca weyn ee kulmiye ay sheegayaan Waxa Murshax Madxwayne ku Xigeen ka loo wadda ama loo badinayaa in lagu Doorto Wasiirka Ganacsiga Mr Saajin kaaso ay Gobol iyo Deegaan hoose kasoo wadda jeeddaan Maxamed Cali Oo ah Murshaxa Madxwayne ku Xigeen ee Xisbiga Waddani .
Arintaasi ayaa Saamayn weyn ku keenaysa Xisbiga Waddani Madaama uu Wasiir Saajin ka sharaxanyahay Xisbi hadda talladii Gacanta ugu jirto waxuuna Deegaankiisa ku Qancin karaa inu ugu dhawyahay Kursiga Madxwayne ku Xigeen ka ee Loo Ordaayo Madaama uu Badhi taaraayo Madxwayne kursigii ku Fadhiya kana sharaxanyhy Xisbi taladii Gacanta ugu jirto .
Hal Xidhaalahan ayaa saadaaliyaal Siyaasadeed ku Sheegeen inuu yahay midd Lagaga Guulaysan karo Xisbiga Waddani Oo hore Loogagag Guulaystay Doorashadii 2017  hadaanu Xisbiga Waddani Oo aan la dhayalsann karin la imaan Qorshe Cusub iyo Siyaasad kale .
Iswaydiimo Culus iyo Falaanqayno ayaa ka dhashay Shaxadda Cusub ee Kulmiye Dhigay waxayna kalifaysaa Oo Saamaynaysaa isbadal ku yimaadda Xisbiga Waddani Oo haatan ah Xisbiga Saxadda Kula Loollamaaya Xisbiga kulmiye  .
Maxay kula tahay  Kulmiye  Shaxadan Ma ku Guulaysan karaa ?
Waddani Ma tahay inuu isbadal ku Sameeyo Murshaxa Isagoo ka Faidaysanaya Deegamadda kale Ee Gobolka Awadal Oo Dadka Qaar qabaan inay ka Cod badanyiin Beesha Makaahil Oo hadda Saxadda Siyaasadda Awadal ku Kaliyaysanaya Loollankeedda ? .
Mubaarik Fooje
Hargeisa Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker