Ruushka oo sheegay in la gaadhay wakhtigii caalamku uu ka guuri lahaa isticmaalka Lacagta Dollar-ka Mareykanka.

Wasiirka Arimaha dibeda wadanka ruushka Sergei Lavrov ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay mudo baaadheysay in heshiisyada ganacsi oo ay la galeyso turkiga iyo dalalka kale loo adeegsado lacagaha qaran ee dowladaha.

Mr Lavrov oo ka hadlay shir Jaraa,id oo magaalada Ankara ay ku wada qabteen isaga iyo dhigiisa ayaa waxaa uu sheegay in hoos u dhaca dhaqaale ee caalamka ka Jira ay sabab u tahay isticmaalka lacagaha dollarka.

Waxaa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in laga gudbi doono waqtiga dhow isticmaalka lacaga dollarka dowladaha kalena ay heshiisyadooda ku maaren doonaan lacagaha Qaran.

Mr Lavrov ayaa dhanka kale sheegay in Ruushka uu daneynayo in heshiisyada ay la galayaan dalalka kale ay ku maareyaan lacagaha qaran halkii la adeegsan lahaa lacagaha Dollar-ka mareykanka.

Maamulka Kremlin ayaa ugu danbeyn soo dhaweeyay qorshaha ay dowlada turkiga ku joojineyso in suuqyada dalkeeda looga isticmaalo lacagaha Dollar-ka .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker