Kooxda Barcelona oo Iska Khasaarisay Fursad Dahabi ah

Barcelona ayaa barbarro niyad-jab ah lasoo kulantay ciyaar ay marti u ahayd naadiga yar ee Deportivo Alves oo ay kusoo kala baxeen 1-1.

Kooxda tababare Ronald Koeman ayaa kulankii afraad oo xidhiidh ah ee horyaalka LaLiga ka tirsan aan wax guul ah soo helin, waxaana loo diiwaangeliyey rikoodhkii ugu xumaa muddo afar sannadood ah.

Ciyaartan oo ay shaqo weyn qabteen difaaca iyo goolhayaha Alves ayay Barcelona iska khasaarisay fursado badan, waxaana lagu ciqaabay gool uu qaladkiisa koowaad lahaa Gerard Pique oo kubbad uu u dhiibay goolhaye Neto oo hortiisa taagnaa, laguna soo ordayay ay lugihiisa ka baxday, taas oo uu goolka kusii riixay Luis Rioja.

Qaybtii dambe ayay Barcelona heshay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Antoine Griezmann, iyagoo ka faa’iidaysanaya kaadh cas oo loo taagay Jota oo ka tirsanaa Alves.

Barcelona oo labadii ciyaarood ee hore ay kasoo badiyeen Real Madrid iyo Getafe ayaa waxa uga sii horreeyey barbarro kale oo ay la galeen Sevilla, taas oo ka dhigan in kooxdani aanay wax guul ah arag afar ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka ah, waxaanay ku jirtaa kaalinta 12aad ee horyaalka xili ciyaareedkan.

Shaxdii labada kooxood

ALAVES XI (5-4-1): Fernando Pacheco; Ruben Duarte, Florian Lejeune, Victor Laguardia, Ximo Navarro, Edgar Mendez; Luis Rioja, Tomas Pina, Rodrigo Battaglia, Jota; Deyverson.

Kaydka: John Guidetti, Antonio Sivera, Burgui, Lucas Perez, Joselu, Adrian Marin, Martin Aguirregabiria, Rodrigo Ely, Manu Garcia, Borja Sainz, Tachi, Tomas Tavares.

BARCA XI (4-2-3-1): Neto; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Sergio Busquets, Frenkie De Jong; Ousmane Dembele, Lionel Messi, Ansu Fati; Antoine Griezmann.

Kaydka: Sergino Dest, Carles Alena, Miralem Pjanic, Martin Braithwaite, Pedri, Francisco Trincao, Junior Firpo, Inaki Pena, Konrad De La Fuente, Arnau Tenas.

Barcelona oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka La Liga laba ka mid ah laga soo badiyey, mid kalena barbarro soo gashay ayaa waxay safar ugu tagtay kooxda yar ee Deportivo Alaves, waxaana uu Ronald Koeman ka ordayay inay kaalintii ay hore ugu jireen ee 12aad hoos uga sii dhacaan.

Sidoo kale Barcelona ayaa ka dagaallamaysay inay markii ugu horreysay tan iyo April 2016 ay guul la’aan noqoto afar ciyaarood oo xidhiidh ah, si aanay taasi u dhicina waxa uu Ronald Koeman kusoo galay shax adag oo afka hore ee weerarka uu iskugu geeyey Ansu Fati, Messi, Griezmann iyo Ousmane Dembele.

Lionel Messi ayaa sameeyey isku daygii ugu horreeyey ee Barcelona daqiiqaddii waxaanay wada ciyaareen Griezmann, balse waxa kubadda kusoo guuleystay inuu kasoo Laguardia oo kubadda kasoo saaray goolka.

Fursaddii ugu weynayd ee ciyaarta ayaa timid daqiiqaddii 12aad, waxaana kubbad iskula kaliyeystay Ansu Fati iyo goolhaye Fernando Pacheco, waxaanu da’yarka reer Spain kubadda garab mariyey goolka.

Kabtan Messi ayaa isaguna laag xor ah oo loo dhigay bannaanka laynka, waxaanu ku toogtay kubbad hoosaysa oo awood badan oo kasii dhex baxday lugaha laba ciyaartoy oo Alaves ah ka hor intii aanu Laguardia mar kale goolkiisa kasoo saarin kubadda oo aanu badbaadin.

Daqiiqaddii 31aad ayay Alaves dhashay gool hadiyad ah oo qaladkiisa ay wada lahaayeen Gerard Pique iyo goolhaye Neto. Pique ayaa kubadda u dhiibay Neto oo hrtiisa taagan, waxaanay kubaddu ka dhex baxday labada lugood ee goolhayaha, iyadoo uu Rioja oo meel fog kasoo orday uu kubadda kasii gujiyey oo goolka sidaa ugu dhaliyey kooxdiisa Alaves.

Lionel Messi ayaa cadho badan ay ka muuqatay dhamaadka qaybta hore, waxaana loo taagay kaadhka digniinta ah kaddib markii uu kubadda ku laagay garsooraha ciyaarta oo qalad u qabtay Alaves.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay Alaves la nasatay hoggaanka ciyaarta, balse Koeman ayaa markii lagu soo laabanayey qaybta labaad waxa uu soo raaciyey laba beddel, isaga oo saaray Ousmane Dembele iyo Lingelet, waxaanu keenay Pedri iyo Trincao.

Daqiiqaddii 62aad ayaa kaadh cas loo taagay Jota oo xubin muhiim ah u ahaa Alaves, kaddib markii uu lugta geliyey kubbad uu Pique madaxa lasoo galay, taas oo ku qasabtay garsooraha inuu kaadhka labaad siiyo, kaddibna casaan ugu beddello.

GOOOOOOAAAAALLLLLL!! Barcelona ayaa ka faa’iidaysatay kaadhka cas ee Alaves ay qaadatay, waxaana kooxda martida loo ahaa oo aan ciyaartaba isku diyaarin ay arkeen kubadd degdeg ah oo Fati uu u dhiibay Griezmann oo isaguna goolka barbarraha u dhaliyey kooxdiisa.

Barcelona ayaa heshay gool kale oo uu Lionel Messi dhaliyey balse waxa uu ku jiray OFFSIDE caddaan ah oo aanu xataa isagu u dabbaal-degin.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta ayaa ahaa kuwo ay fursado badan heleen Barcelona, waxaana goolka ku dhowaaday Messi, Pique iyo Pjanic balse difaaca Alaves ayaa ahaa mid layaab leh, halka goolhayuhuna ahaa mid adag.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxaana Barcelona ay u ahayd kulankii afraad ee xidhiidh ah ee aanay guul ka gaadhin horyaalka LaLiga, waxaana rikoodh sidan oo kale u liita ugu dambaysay sannadkii 2016

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker