Guurtida Somaliland Oo Baan Nabadeed U Diray beelaha Ku Dagaalamay Gobolka Sool

Golaha Guurtida Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray ardaayada wallaalaha ee dirirtu ku dhex martay degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.

Guurtidda JSL Fadhigiisii maanta oo ah Sabti bishuna tahay 17/04/2021 waxa uu baaq nabad-gelyo u dirayaa Beelaha walaalaha ah ee xurgutu ku dhexmartay Gobolka Sool, gaar ahaan Degaan ka Dhabar-dalool,

Ugu horayn goluhu isagoo ka xun dhacdadaa foosha xun, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskaskii wax yeeladu Kasoo gaadhay Shaqaaqadaasi inta dhimatayna Alle ha u naxariisto inta dhaawaca ahna Alle ha Caaliyo, waxaanay Golaha Guurtiddu ku adkaynayaan Beelahaasi wallaalaha ah inay inay Joojiyaan colaada, oo ay soo celiyaan wanaagii lagu yaqaanay ee ay hore ugu qaateen nabadda iyo 12 wixii tabasha ah ee dhexdooda jira ay gogol wada xaajood ku dhamaystaan.

Gole Guurti ahaan Xukuumadda waxaanu u soo jeedinaynaa in la geeyo Ciidamada Qaranka, Si loo joojiyo colaada ka taagan Deegaanka Dhabar-dalool ce Gobolka Sool.

Ugu dambayn war saxaafadeedkaas ka soo baxay golaha guurtida Somaliland waxa lagu yidhi, goluhu wuxuu mar labaad ugu baaqayaa Beelahaa walaalaha ah dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho ee joojiya colaada, waayo waxaa dhulka ka jirta abaar, xanuun iyo bisha barakaysan ce Ramadaan idimkoo Xurmaynaya qimaha ay leedahay bishaasi joojiya colaada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker