Turkiga oo mar kale gacanta ku dhigay basaasiin lala xidhiidhiyay Sirdoonka Israel

Hay’adaha ammaanka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay koox lala xiriiriyay inay la shaqeynayeen Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad.

Ciidamada Turkiga ayaa Talaadadii xabsiga u taxaabay toddobo qof, ka dib hawlgalo isku mar ah oo laga sameeyay Magaalada Istanbul.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Ali Yerlikaya ayaa xaqiijiyay xarigga xubnahaasi, oo sida uu sheegay la tuhunsan yahay inay xog ka iibinayeen Hay’adda Mossad.

“Tuhmanayaasha ayaa looga shakisan yahay in ay uruuriyeen xogta shakhsiyaadka iyo shirkadaha Turkiga, ayna ka iibiyeen Hay’adda Sirdoonka Israel.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in hawlgalada ay fuliyeen Xoogaga Sirdoonka Turkiga ee MIT, isagoona hoosta ka xariiqay inaanay marnaba ogolaan doonin in howlo basaasnimo laga sameeyo gudaha Turkiga.

“Marnaba ma ogolaanayno in howlo basaasnimo ah laga sameeyo xuduudaha dalkeenna. Mid mid ayaan u qaban doonnaa, waxaana horgayn doonnaa sharciga.” Ayuu yiri Wasiir Yerlikaya.

Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay muuqaalo muujinaya ciidamada oo u dhacaya guryo ku yaala Magaalada Istanbul.

Ciidamada ayaa la sheegay in sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen qoryo, daroogo iyo aalado Electronic ah.

Xarigga ayaa ah kii ugu dambeeyay ee mawjado noocan oo kale ah oo laamaha amniga Turkiga ay ku beegsanayeen basaasiinta lala xiriiriyo Israel.

Laamaha amaniga Turkiga ayaa 2-dii bishii February sidaan oo kale u xiray toddobo qof oo ku eedeysan inay u basaasayeen Sirdoonka Mossad.

2-dii bishii January ayayna ahayd, markii ay gacanta ku soo dhigeen basaasiintii ugu badneyd oo 33 xubnood lagu sheegay, lagana soo kala qabtay Magaalada Istanbul iyo 7 gobol oo kale.

Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ku qaaday dhulka ay Israel maamusho, Sirdoonka Israel ayaa ku hanjabay in ay meel kasta oo dunida ka mid ah ku beegsan doonaan Madaxda Ururka Xamaas, gaar ahaan dalalka Qatar, Lubnaan iyo Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Israel uga digay cawaaqib daran, haddii ay isku daydo in falal basaasnimo ay ka fuliso gudaha Turkiga, kuna dhibaateynayso Saraakiisha Xamaas ee Turkiga uu magangelyada siiyay.

Madaxweyne Erdogan ayaa xilligaasi sheegay in Turkigu uu leeyahay mid ka mid ah sirdoonka ugu awoodda badan ee caalamka, Israel-na uu uga digayo inaysan ku kadsoomin.

Turkiga ayaa dib u dejin u sameeyay dhowr ka mid ah masuuliyiinta Xamaas, oo Israel, Mareykanka iyo Midowga Yurub ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso, balse uu Turkigu u tixgeliyo dhaqdhaqaaq u dagaalama xoreynta dadkooda iyo dhulkooda ay Israel xoogga ku haysato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker