Masajidka Hagia Sophia Oo Maanta Lagu Tukanayo 86 Sano Ka dib

Ka dib 86 sano oo uu madxaf ahaa, dhismaha Hagia Sophia ayaa maanta lagu tukanayaa salaadda Jimcaha, waxaana halkaas isugu tagay dad aad u badan oo Muslimiinta Turkiga ah.

Dhismahan ku yaalla magaalada Istanbul waxaa masaajid ka dhigtay dowladdii cismaaniyiin ka dib markii ay masiixiyiintii haystay halkaas ka qabsadeen sannadkii 1453-dii.

Dadka Muslimiinta ah ee Turkiga iyo kuwo ku sugan daafaha caalamka ayaa soo dhoweeyay arrintaas.

“Muslimiinta wey faraxsan yihiin, qofkastana wuxuu doonayaa inuu ka qeyb galo furitaanka,” waxaa sidaas yidhi barasaabka magaalada Istanbul, Cali Yerlikaya.

Warbaahinta dalalka Islaamka ayaa si kala duwan u falanqeeyay go’aanka madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ku gaadhay in matxafka Aayaa Soofiya laga dhigo masaajid.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker