GANACSIGII XABKAHA IYO FALEENKA MAXAA KA KHALDAN? KALA BAYDH-BAYDHA .
Muddooyinkii dambe waxaynu maqlaynay shirkado ka ganacsada xabkaha oo cabanaya,iyagana laga cabanayo,taasi waxay inoo muujinaysaa in wax badani khaldan yihiin,waxaa iyana muuqata in dawladdu dhex muquurtay waxna aanay ka qaban,waxaa dhici karta in aanay qorshe iyo siyaaasad u degsan lahayn ama aanay daacad ka ahayn,marka laga hadlayo arrimaha wax soo saarka dalka iyo horumarintiisa dhawr wasaaradood ayaa soo geli kara oo mid kastaaba door ku leedahay,haddiise ay shaqadooda iyo xuduudooda garan waayaan waxa dhacaysa khalkhal,hadda ka hor waxaa shaqada dooxyada isku qabsaday,wasaaradaha :biyaha,beeraha iyo degaanka,xeer,siyaasad iyo qorshe la raaco ayaa la waayey,fadiixaddii ka dhacday waa la ogaa,xukuumadda waxaa laga rabaa marka hore,daacadnimo marka xigtana aqoon iyo khibrad inay qorshaheeda ku salayso,xukuumaddu waa inay dadka dhex u noqoto,ganacsigu waa xor looma baahna in cid gaara kooto loogu xidho ama naas nuujin lasameeyo,sidoo kale in cid gaara caddaadis la saaro,mashaariicda la iska hortaago oo carqalad lagu noqdo,waxaa ka dhasha musiibo aan laga soo kaban karin oo cid walba saamaysa,xaaladda lagu jiro hadda waxaan u baahan nahay ku dar,kajar uma baahnin,waxaan u baahan nahay wax soo saar iyo iskaashi.
Qolyaha ganacsatada waxaa u fiican in ay si xalaala u ganacsadaan,cidna aanay ku xad-gudbin,cidna ku joogsan,fursadaha wax ka siiyaan walaalahood barakada ayaa ku jirta ,mushiladaha ugu badan ee somaalida haysta waxaa loo tiriyaa siyaasi xaraami ah iyo ganacsade hunguri xun oo bilaa shakaala.
Arrinta xabkaha markaan u soo noqono xukuumaddi siyaad xiliyadii dambe waxay soo rogtay inay iyadu ka iibsato dadka dabadeedna iibgeyso,dad badan oo ka ganacsan jiray ayaa hawada ka baxay oo marna faa’iido badan ka heli jiray marna khasaari jiray. markii xukuumadaasi dhacday suuqa xabkuhu sidii sii hore ayuu ku soo noqday (iska daba-macaash),waxaase meesha ka maqnaa siyaasadii ama cilmigii lagu horumarin lahaa xagga ganacsiga,tayaynta iyo kordhinta (conservation and growing),nin la odhan jiray Siciid Cilmi hoorri (Allaahyarxamuh) oo qolyaha beeyda ee sanaag ka mid ahaa ,ayaa keenay feker ah in horumar loo sameeyo wax soo saarka faleenka in muddo ah ayuu dabada ka waday dad fara badan ayuu isu keenay,mashruucaa waxaa si fiican u diyaariyey nin kale oo la odhan jiray YUUSUF BOOS oo isna dhintay AHUN waxaa loo sameeyey urur ay ku midaysa yihiin,meelo farabadan ayaa loo gudbiyey,waxaa la sheegay in marshuucaasi midho dhalay laakiin si xun loo maamulay,lagana weeciyey wadadii uu lahaa,taasi haday jirto waxay keenaysaa fashil iyo sumcad xumo ku timaada habsami-usocodka waxqabadka mustaqbalka iyo aayaha ummadda,noloshu waa sida xisaabta hadaad khalado waad dhacaysaa,waxaa iyana jiray dad kale oo daraasaad fiican oo wax ku ool ah ka sameeyey,waxaa sidoo kale suuqa ku soo biiray shirkado ka ganacsada oo qaarkood ilaa heer warshadayn (processed) gaadheen,waa guul haddaan la garanwaayin.
Gabagabadii iyo guntii waxaan leenahay nolosha dadka yaan lagu cayaarin, go’aamada la qaadanayo,waxaa ka horraysa qiimaynta saamaynta togan ama taban ee ay keeni karaan,sidoo kale
talooyinka waxgaradka iyo odayadana waa in dhegaha loo furaa,caddaaladda ayaa ummadda deeqda dulmigu waa dumiye,beenta yaan business laga dhigan,beenaaluhu jannada ma galo.
Dadka intii xumayd ayaa active ah oo sarraysa ,waa in dhinaca kale loo rogo (back line)
WALLAAHU WALIYUTTOWFIIQ
Aadan nuur shalqane@hotmail.com