Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Si adag uga Hadlay Qodobo Loosoo Gudbiyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabiraxmaan ayaa si kulul uga hadlay qodob ka mid ahaa qodobadii maanta loo soo gudbiyay Golaha Shacabka kaasi oo la doonayay in lagaga hadlo fadhigii maanta ee Golaha Shacabka.

 

Waxaa uu sheegay sharciga Maanta laga doodayay in uu ku jiray qodob ka hor imaanaya diinta Islaamka kaasi oo horay ay usoo Ansixiyeen Golaha wasiirada, balse xildhibaanada ayuu sheegay in ay diideen in ay meel mariyaan sharcigaas oo diinta islaamka si cad uga hor imaanaya.

 

Waxaa uu sheegay in sharciga ay dabada ka riixayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiiro iyo Xildhibaano isugu jira, ayna doonayaan in la Ansixiyo, qodobo ka mid ah ayaa waxaa uu sheegay in ay banneynayaan Sinada iyo in dadka isku Jinsiga ahi isku tagi karaan.

 

Horay waxaa sharcigaas si weyn u cambaareeyay Culimada Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in aan loogu talagalin sharcigaas dad islaam aiyo dad Islaam ah toona, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanku uu sheegay in aysan meel marin doonin sharcigaas iyo waxa la mid ah ah.

Qodobka uu guddomiyuhu sida kulul uga hadlay ayaa waxaa horay usoo meel mariyay xukuumadda xilgaarsiinta ah, balse waxaa iska diiday meel marinta sharcigaas Golaha Shacabka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker