Dawladda Sucuudiga Oo Dumarka Siinaya Liisanka Kaxaynta Gaadiidka

Jeddah(OWN)- Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bilowday in ay siiso haweenka dalkaa ruqsadda darawalnimada, iyadoo markii ugu horeysay haweeney loo ogolaaday in ay kaxeyn karto gaadhii, iyadoo heshay ruqsadda dirawalnimada ama Liisan.

 

War ka soo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la bilaabay bixinta sharciga dirawalnimada, taasoo ka dhiggan in wixii hadda ka danbeeya haweenka Sacuudigu kaxeyn karaan gaadiidka.

 

 

Haweenka la siiyay sharciga dirawalnimada ama Liisanka ayaa ugu horeyn la imtixaamay, ka hor inta aan la siinin Ruqsadda darawalnimada.

 

Sacuudiga ayaa 24-ka bishan si rasmi ah u qaadi doona xayiraadda saarneyd haweenka in ay gaadiidka kaxeeyaan, waana mid ka mid ah tallaabooyinka dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ku doonayo inuu ku casriyeeyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker