Xisbullah oo weerar aargudasho ka gaysatay waqooyiga Israel

Xoogaga Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay Ciidamada Israel ku leeyihiin Magaalooyinka Acre iyo Nahariyya ee waqooyiga Israel.

Xisbullah ayaa sheegtay in weerarkeeda ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo drones-ka kale ee is qarxiya, isla-markaana ay si sax ah u garaaceen bartilmaameedkoodii.

Dhawaqa digniinaha ayaa laga maqlayay magaalada dekedda leh ee Acre, iyadoo muuqaalada lagu baahiyay barraha bulshada ay ka soo muuqdeen dad ku kala cararaya xeebta magaaladaasi.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah ay Israel ka soo galeen koonfurta Lubnaan.

Xisbullah ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay beegsadeen laba saldhig, oo ay Militariga Israel ku leeyihiin Acre iyo Nahariyya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in weerarku uu aargudasho u ahaa midkii Israel ay Talaadadii ku dishay Hussein Azkoul oo ka tirsanaa Saraakiisha Xisbullah.

Xisbullah ayaa qiratay in ay gudaha Israel ka gaysatay weerarkii ugu xooganaa, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in iyagoo ka jawaabaya weerarkaasi ay duqeeyeen bartilmaameedyo militari oo ku yaala Ayta ash Shab, Blida iyo nawaaxiga deegaanka Markaba ee koonfurta Lubnaan.

Militariga Israel kama aysan hadlin khasaaraha uu gaystay weerarka ay Xisbullah ka gaysatay dhulka Israel iyo kan ay iyagu ka fuliyeen koonfurta Lubnaan.

Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo 8-dii bishaasi duqaymo isku weydaarsanayay deegaanada dhaca xadka Israel iyo Lubnaan.

Duqaymaha Israel ee koonfurta Lubnaan ayaa waxaa ku dhintay 325 qof, oo isugu jira Xoogaga Xisbullah iyo weliba dad rayid ah.

Israel ayaa dhankeeda qiratay in weerarada Xisbullah ee waqooyiga Israel ay ku dhinteen 12 askari iyo 8 qof oo rayid Israeliyiin ah.

Sidoo kale tobanaan kun oo shacabka labada dhinac ah ayaa ka barakacay deegaanada xuduudda ee ay colaaddu saameysay.

Dad badani ayaa ka baqdin qaba in dagaal buuxa uu haatan ka dhex qarxo labada dhinac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker