Maxaad kala Socotaa Tirada Askarta Dawladda Armeni kaga Dhimatay Gobolka Nogorma Karabaakh

Dawladda Armenia ayaa Sabtidii sheegtay in, in ka badan laba kun oo askari lagaga dilay dagaalkii socday lixda toddobaad ee ay la gashay Azerbaijan,

 

Ee ka dhashay gobolka ay Zoog ku Haysatay ee Nagorno Karabakh.

“Illaa iminka, waxaan xaqiijinay geeriday 2,317 Askari, oo ay ku jiraan kuwa aan weli la aqoonsan,” waxaa sidaas qoraal ay soo dhigtay facebook ku tidhi Alina Nikoghosyan oo ah Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Armenia.

 

 

Dagaalka oo socday ku dhowaad laba bil ayaa soo Geba-geboobay Toddobaadkan kadib markii labada dal ay gaadheen heshiis xabad joojin ah  oo Ruushka iyo Turkiga   kasoo shaqeeyeen.

 

Kaasi oo Armenia oo ay ku dhiibtay dhul badan oo ay ka  qabsadeen Azerbaijan Sannadkii 1992.

 

 

Ciidamada Azerbaijan marnaba shaaca kama qaadin khasaaraha kasoo gaadhay dagaalka, Hase yeeshee tirada guud ee khasaaraha dagaalka ayaa la rumeysan yahay inay aad uga badan tahay Armenia Marka Loo Eego Khasaraha Soo Gaadhay Ciidamada Azerbaijan.

 

 

 

Madaxweynaha Vladimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in tirada dhimashada dagaalka ay ka badan tahay 4,000 oo qof, islamarkaana lagu dhaawacay 8,000 oo kale.

 

 

Ugu yaraan 143 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker