Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Xiisadda ka taagan Soohdinta Canfarta iyo Soomaalida,
Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyi gelinta ee Xisbiga WADDANI Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo ka hadlay Xiisadda ka taagan Soohdinta Canfarta iyo Soomaalida, waxaanuu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada loo gaystay bulshada Soomaalida ee deegaannada Garbo Ciise oo ka tirsan Dawlad Deegaanka Itoobiya.