Laba Agaasime Oo Xukuumadda Biixi Ka Tirsan Oo Fikrado Iskasoo Horjeeda Ka Bixiyay Muranka Badda Ee Kenya Iyo Somalia.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa qoraal uu 7dii bishan Ogoosto soo dhigay bartiisa Facebook ku yidhi: “Kenya xaq ayey u leedahay in ay difaacato xuduudeeda badeed, ha lugu ixtiraamo!”

Hase ahaatee, Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa qoraal uu isna maanta soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku yidhi: “Hadii Kenya ay qaadato bada kismaayo oo ay u dhabawdo arintaasi, waxa soo bixi doona dawlado kale oo bada hungureeya.

Sidaas markay tahay, Somaliland iyo Somalia wixii ka dhaxeeya ee is hayn ah waxa ka wayn waxa walaaltinimada ah ee ka dhaxeeya.”Ayuu Yidhi Agaasime Cum,ar-sayid

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker