Ra’iisul wasaaraha Itoobiya,Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo Dalkiisa

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya,Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo Dalkiisa dhexmaray bilawgii Bishan, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in hab diblomaasiyadeed lagu xalliyo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo aanay soo farogalin dhinacyo dibadda ah.

Abiy oo hadal ka jeediyay shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya, wuxuu sheegay in Ethiopia ay kaga dhinteen boqollaal ciidan ah si loo helo midnimo iyo nabad ka dhalata Soomaaliya, isla markaana aanay dani ugu jirin colaad ka dhex dhexmarta labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker