Madaxweyne ma ogtahay? 25 juun 2021 ayaa lala baxay lacagtii kabka ahayd ee Cusbitaalka Laas-caanood

“ Madaxweyne ma ogtahay?

25 juun 2021 ayaa lala baxay lacagtii kabka ahayd ee Cusbitaalka Laas-caanood, Cusbitaalku in uu xidhmo ayuu qarka u saaranyahay, lacagtaa la musuqay waxa u baahan Cusbitaalka oo aan shaqayn karin la’aanteed. Lacagta kabka ah waxa lagu masruufsaday Hargeysa !!!
Agaasimaha cusbitaalka Laas-caanood ayaa ka hor qirtay musuqa iyo xatooyada lagula baxay lacagtii kabka ahayd ee Cusbitaalka Laas-caanood shir madaxda Wasaaradda Caafimaadku fadhiyaan, si aanu u xidhmin oo loo daryeelo bulshada baahida caafimaad la tabaalaysan ee Sool waa in lala xisaabtamaa cid kasta oo musuqday lacagtaa.
Guddida dabagalka hantida qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland (PAC) Xisbi WADDANI ahaan waxaanu ugu baaqaynayaa in la dabagalo miisaaniyadda iyo lacagaha soo gala Wasaaradda Caafimaadka oo lala xisaabtamo.
“Naaskii hashay gaar u nuugayaan. ”.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada Ee Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker