DAAWO 8 Qof Oo Ku Dhintey Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Deegaanka Beer ee gobolka Togdheer

Siddeed qof ayaa ku dhintay, shil baabuur oo ka dhacay Duleedka Tuullada Yiroowe ee Bariga Burco, kadib markii booyad iyo bas caasi ah oo ay leedahay Shirkadda Bixin isku dhaceen caawa.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Burco, Dr. Cabdi Suudi ayaa xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay shilkaas, waxaanu tilmaamay in la soo gaadhsiiyey maydka toddoba qof oo saddex dumar yihiin.

Agaasimaha Cisbitaalka Burco waxa uu intaas ku daray in saddex nin oo ku dhaawacmay shilkaas, uu mid ka mid ahi dhaawaciisu cuslaa uu dhintay, halka labada kalena ay ku hawlan yihiin daweyntooda.

 

@ nazer kayd

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker