Al-Shabaab oo sheegtay inay dib u qabsatay deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay qabsatay deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay saaka weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ee Somali Memo.

Afhayeenka dhanka howlgalada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta tuuladaasi kadib dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay.

Abuu Muscab ayaa sheegay in tiro aan la cayimin oo ka tirsan ciidamada dowladda ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda ayaa tabisay in kooxda Al-shabaab ay jab iyo khasaaro xooggan kala kulantay dagaalka ay saaka ay ku soo qaadday deegaanka Hilowle gaab, iyada oo beenisay wararka sheegaya in gacan ku haynta tuulada lagala wareegay ciidamada dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker