Puntland oo qaaddacday shirka golaha wadatashiga ee uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheikh

 Puntland ayaa qaaddacday shirka wadatashiga ah ee uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, uu ugu yeeray madaxweynaasha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo ay aqoonsan yihiin oo ay wada xaajood la galaan.

“Dowladda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay dib ugu soo laabato ka hor inta aan laga doodin masiirka Soomaaliya” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir, isagoo ka dhawaajiyay in Puntland ay ku adkaysanayso in aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo ay aqoonsan yihiin.

Wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya in looga baahan yahay inay kusoo laabato xayndaabka sharciyadda, markaas kadibna ay diyaar u yihiin ay ka qeyb galaan wada xaajoodyada arrimaha dastuurka looga doodayo.

“Annagu inay dowladnimo jirto maba aaminsanin. Yaa noo yeeraya oo aan wada xaajoonaynaa? Soo inay sharciyaddii kusoo noqoto ma ahan marka hore. Wax iyaga gaar u ah ayay abaabusheen, cid kala qeyb galaysa oo Puntland ahi ma jirto,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Go’aanka ay Puntland ku qaaddacday shirka wadatashiga ayaa hoosta ka xarriiqaya heerka uu le’eg yahay khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker