Haweenay Ka Mid Ahaan Jirtay Shaqaalaha The Guardian Oo Muddo Sanad Ah Laash Kaligeed Ku Nooleyd !

Haweenay lagu magacaabo Susan Smily kana mid ahaan jirtay Tifatirayaasha Wargeyska Caanka ah ee The Guardian ayaa waxay muddo sanad ah ku nooleyd Badda.

Susan ayaa waxay sanad ka hor iibsatay laash yar oo u gaar ah waxaanay Susan xilligaasi go’aansatay in guud ahaan ay ku soo wareegto Qaarada Yurub.

 

Haweenaydan ayaa waxa kale oo ay guda gashay safarkeedaasi sanad ka hor markii ay markabkaasi hantiday.

Sudan oo dareenkeeda cabiraysa ayaa waxay tidhi, “Waxaan ku noolaan jiray Laashkaasi yar ee aan hantiyey, halkaasi ayaan wax ku qori jiray run ahaantii waxa uu ahaa xilli aad u qiima badnaa”.

 

Haweenaydan ayaa waxay hawshaasi guda gashay iyadoo aan haysan waxa sharci ah oo ay ugu kala gudubto dalalka Qaaradaasi Yurub, waxa aanay sheegtay in meel kasta oo ay tagto si wanaagsan loo soo dhawaynayay iska markaana dal kasta oo ay tagto ay isku dayeysay inay luqadiisa ka soo barato dhawr kalmadood.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker