Sacuudiga oo go’aan cusub ka qaatay gudashada waajibaadka Xajka ee 2021

Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta ku dhawaaqday in xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujey ah oo ku nool Sacuudiga.

Talabaadan ayaa ka dhigan in dhammaan xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aanay  gudan karin xajka sanadkan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqo doonto in ay si buuxda u soo qaateen tallaalka looga hortago xanuunka COVID-19.

Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa, waxaana go’aankan uu ka dhigan yahay in Sacuudigu ka laabtay hadal uu dhowaan shaaciyey oo ahaa in xajka sanadkan loo ogolaan dad 60 kun gaaraya oo ka iman doona dalalka caalamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker