TikTok: Nin gubay xaaskiisii hore iyadoo muuqaal ay toos isaga duubeysa

Gabadh caan ka ah dalka Shiinahaayaa geeriyootay kaddib markii uu ninkeedii hore gubay, xilli ay bartaasi isaga duubeysay muuqaal toos ah.

Lamu ayaa caan ka ahayd barta Douyin, oo sida TikTok oo kale ka ah Shiinaha, iyadoo barteeda ay ku xiran yihiin boqollaal kun oo qof.

Waxaa gubtay jirkeeda 90% iyadoo labo toddobaad kaddib u geeriyootay dabkaas, Kiiskan ayaa Shiinaha ka abuuray dood ku aaddan tacaddiyada haweenka lagula kaco.

Lamu, oo 30 jir ahayd, waxaa lagu yaqaannay muuqaallo ay kaga hadli jirtay nolosha baaddiyaha, waxaana lagu ammaani jiray inaysan isticmaalin make up.

Ninkeedii hore oo magaciisa lagu soo gaabiyay Tang, ayaa u dhacay gurigeeda isagoo sitay toorrey iyo batrool.

Lamu ayaa geeriyootay 30-kii September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker