Kamaradaha CCTV Oo laga Arkay Cali Xarbi Oo Loo Haysto Dilka Xildhibaan Sir David Amess

Kamaradaha CCTV ayaa muujinaya ninka la tuhunsan yahay inuu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska Cali Xarbi Cali oo maraya waddo ku taalla Waqooyiga London saacado uun ka hor inta aan la sheegin inuu tooreey ku dilay xildhibaan Sir David Amess kulan ka dhacay deegaanka Essex.

Fiidiyowgu wuxuu u muuqdaa inuu muujinayo 25-jirkan, oo ay booliisku u hayaan tuhunka dilka Sir David, isagoo si tartiib ah u socda laamiga subaxnimadii Jimcaha isagoo sita shandada dhabarka iyo jaakadda baarkinka cagaaran iyo muraayadaha indhaha.

Waxaa la fahamsan yahay in muuqaalka laga duubay banaanka dukaanka Highgate Road 8.44am.

Cali, oo ku noolaa dhowr waddo oo ka durugsan, ayaa loo malaynayaa inuu xilligaas u socday saldhigga tareenka ee Gospel Oak.

Booliisku waxay hadda baadhayaan dhaqdhaqaaqyada Ali saacadaha ka horreeya weerarka waxayna eegayaan inuu tareen ka raacay Gospel Oak si uu ugu safro Leigh-on-Sea, halkaas oo Sir David uu ku qabanayay kulan kaniisadda Belfairs Methodist.

69-jirka ruug-caddaaga ah ee Tory, oo ah nin katoolik ah oo si weyn u taageersan Brexit oo markii ugu horreysay loo doortay baarlamaanka 1983, ayaa la sheegay in tooreey lagu dhuftay 17 jeer galabnimadii Jimcaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker