Madaxweyanaha Cusub Ee Malaawi Oo Wasiiro U Magacaabay Xubno Ka Tirsan Qoyskiisa

Madaxweynaha dalka Malaawi ayaa ka safay qoyskiisa Golaha Wasiirada dalkaasi qaar ka mid ah waxaana ka dhashay Cadho iyo banaanbax lagaga soo  horjeedo Madaxweynaha, waxaana dadka dalkaasi ay sheegeen in uu qoyskiisa ka safay talladii dalka.

 

 

 

Madaxweynaha cusub ee dalka Malawi Lazarus Chakwera  ayaa sheegay in tilaabadda uu qaaday ay ku timid ka dib markii uu eegay aqoonta iyo kartida dadka uu Magacaabay.

 

 

 

Waxaa uu Walaashiis Kenny Kandodo  u magacaabay wasiirka shaqada, halka walalkii Khumbize uu u magacaabay wasiirka Caafimaadka, sidoo kale wuxuu wasiirka Gaadiidka ka dhigay Sidik mia oo waalid ugu aadan, ugu damBayn xaaskiisa Abida Mia ayuu u magacaabay wasiir ku xigeenka dhulka.

 

 

Dadweynaha dalka Malawi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha in tilaabadda uu qaaday ay horu dhac u tahay sidii loo Musuq maasuqi lahaa hantida dadweynaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker