Maalqabeen Maalgalinaya Sidii uu Aadamuhu U Noolaan Karo Gabow La’aan

Aasaasaha shirkada Amazon Jeff Bezoz ayaa maalin galinaya cilmibaadhis cusub oo ku saabsan in aadamuhu noolaan karo gabow la’aan mudo dheer.

Sheybaarka Altos Labs,ayaa ka shaqeyn doona in uu ogaado sida loo beddelo geeddi-socodka gabowga ee biniaadamka.

Tani maaha markii ugu horeysay ee ninkan uu maal giliyo cilimi baadhis noocan oo kale ah, sida muuqata Jeff Bezo ma rabo in in uu gabowboo.

Sheybaarkan oo qarsoodi ah ayaa waxaa uu shaqaaleysiinaya aqoonyahanno kuwaas oo baadhaya sida unugyadu u da’aan iyo waxa la samayn karo si loo yareeyo habka gabowga si ay unugyadeenu wakhti dheer usii jiro. Saynisyahannada ayaa waxaa ay qaadanayaan $1 milyan oo mushahar sanadle ah.

Hadii arintan lagu guuleysto, waxaa uu surogal noqon doonta in biniaadamka uu daawo u helo gabowga ama duqnimadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker