Roob Mahiigaana oo ka Da’ay Magaalada Ceerigaabo.

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxa maanta ka da’ay roob mahiigaan ah oo bulshada magaaladaas ku dhaqan iyo agagaarkeeduba ay ku qabawsadeen.

Magaalada Ceerigaabo waxa ka da’ay roob mahiigaan ah oo aad u xoog badan isla markaana soo rogay daad badan, roobkaas oo da’ayey muddo ka badan saddex saacadood.

Inta ilaa hada la ogyahay roobkaasi wax khasaare ah muu geysan, inkasta oo uu kala xidhay isu socodka magaaladaas isla markaana uu galay guryo badan oo kala duwan, waxayna dadka magaaladaasi ku diirdsadeen raxmadaa Eeebbe u curatay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker