SOMALIA OO ICTIRAAFKII LAGALA NOQDAY. By: OMAR A YOUSUF

Sanadkii 2012 waxa London lagu qabtay shirkii ugu horeeyay ay ku kulmeen dawlada Somaliland oo uu hogaaminayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo Dawlada Ku Meel gadhka ahayn (TFG) oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif. Shirkaasi waxaa uu ahaa shirkii ugu horeeyay ee Somali loo qabto ay dawlada badan iyo hay’ado calamka ka socda ka soo qayb galan. Qaraarkii shirka ka soo baxay waxaa ku jiray qodabka lixaad (6) oo odhanayay:
“Shirku waxuu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da (Transition Federal Government/Dawlada Ku Meel Gaadhka) ama ciddii beddesha ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda mustaqbalka”

Shirkaasi waxuu gogasha u xadhay in la Ictiraafo dawlada Kumeel-Gadhka ah ee Somalia, lakiin sida uu qodabkani 6 odhanayo, waxaa lagu xujeeyay in ay wada hadal ku dhameeyan mustaqbalka dawlidnimo ee Somaliland iyo Somalia yeelandoonto.

Haddaba, marka shirka London ay ku kulmeen Somalia iyo Somalialand waxaa loo qabtay khubaro ku takhususay cilmiga xalinta khilaafadka (ama conflict resolution). Khubaradani waxay wadeen in ay isku soo dhaweeyan labada dhinac, si ay ugu heshiiayan in mid noqdan iyo in ay kala tagan. Haddii ay heshiin waayana calamku wuxuu diyaar ula ahaa in ay iyagu go’aan ka gaadhan. Taasi oo ku danbayn lahayd in Afti laga qaado dadka Somaliland.
Nasiib darada dhacday waxay tahay, kooxdii Somaliland hogaaminaysay ayaa laga dhaadhiciyay in dadka shisheeye ka dhex baxaan wada hadalka Somalida, si Somalidu u wada hadasho. Taasina waa ta keentay in shirarkii lagu qabtay Turkiga, Djabouti iyo Imiradka ay Somali kaliya wada hadlayeen. Inkast, oo shirarkaasi lagu heshiiyay qodaba badan oo mihim ahaa, hadana waxba kama ay fulin. Waayo dawladihii kala danbeeyay ee Somalia, khasatan dawlda Farmaje waxay u arkaysay haddii ay qodabadani fuliyan in Somaliland awood yeelanayso.

Haddaba, dawlada Farmaje waxay ilawday in Ictrafka dawladiisuhaysato shuruudi ku xidhan tahay. Xukumadani Farmaje waxay u qaadatay in mar haddii ay iyagu haystan Ictiraaf calamiya ay Somaliland awood dhaqaale, mid borobogande (propaganda) iyo mid ciidanba ku muquunin karan.

Dawladni waxay bilawday in ay dalbato in ciidamada loo dhiso, ciidamo badan loo taba baro, isla markana hub raadsato, iyaga oo qaramada midoobay la hortagay in cunaqabataynta hubka laga qaado. Lakiin waa lagu diiday. Haddaba, markii loo diiday hubka, waxay doonteen in ay helaan dhaqaale ay ku furfuran shacabka Somaliland.
Haddaba, in ay dhaqaale helaan waxaa hortaagna daynta caalamku ku leeyahay Somaliya. Daynta dawlada Somaliya lagu leeyahay waxaa qaatay dawladii hore ay Somalia iyo Somaliland ku midaysnayeen. Sida daradeed, lacagtan waxaa lagu leeyahay Somaliya oo isku jirta, haddii lacag laga samaxayona waa in labadoodaba laga samaxo. Dayntani oo ahayd US $5.2 Billion.

Iyaga oo ka faa’iidaysaya mashruuc IMF hirgaliso oo loo soo gabiyo HIPC (ama Debt Relief under the heavily Indebted Poor Countries), kaasi oo loogu talagalay in daynta laga cafiyo dalalka muujiya in ayna awoodi in ay iska bixin karan. Ujeeda ka danbaysa cafinta daynta waxay tahay, in dalalka faqiirka ah lacagta daynta ku bixin lahaayeen dadkooda wax ugu qabtan. Isguulo, iyo Cisbitaalo ay cafimadka dadkooda ku dar yeelan galiyan, si macluusha iyo silica dadkooda u yareeyan. Haddaba, marka dal daynta laga dhaafayo waaa in ay cadeeyan in aanay iska bixin karin.
March 20, 2020 Hay’ada IMF waxay soo soo saartay warbixin ay ku cadaysay in 36 wadan ay ka samaxday amaahdii lagu lahaa. Dalalkani oo 30 ka midi ay qaarada Afrika ku yaalan.

Haddaba, si daynta looga daayo Somaliya, waxay dawlada Federalka Somaliya la shirtay dawlad gobalada Somalia ee isku bahaystay dawlada Federalka ah. Waxaanay ku heshiiyan in ay mideeyan miisaniyadood. Kadib, waxay dawlada Federalka Somaliya hay’ada IMF u gudbisay miisaniyada dawlada Federalka ee sanadkaasi.
March 25, 2020 waxay hay’ada IMF ka samaxday dawlada Federalka dayntii ku lahayd dawladii hore ee Somaliya (Somaliland ku jirto) inteeda badan, marka laga reebo US $558 million. Waxaana lagu yidhi haddii ay dib-u-habayn dhamaystiran sameeyan waa la idin ka dayn lacagtani.

Haddaba, hay’ada IMF waxay hoosta ka xariiqday in dawlada Federalka Somalia ka kooban tahay oo kaliya dawlad gobaleeda ku bahoobay oo kala ah: Punta-Land, Jubo-Land, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Banadir (ayna Somaliland ku jirin).
Haddaba, si looga cafiyo dayntani hadhay ama US $558 million, waxaa lagu xidhay shuruudo. Cida ay tahay in ay fuliyan shuruudahani, maha oo kaliya dawlada Federalka ah ee waa in dawlada Somaliland qayb ka noqoto.
Waxaa dawlada Federalka loo cadeeyay, haddii ay doonayaan in lacagta laga cafiyo in labadii dawladeed ee isku jiray ee wada amaahday lacagtani marka hore heshiis ku yihiin, ooy lacagta hadhayna ka midaysan yihiin in ay u hogaansamayaan in waxa laga rabo fulin doonan. Sababta ayuu wada hadalka Somalia iyo Somaliland ku yimid wakhtigan adag ee calamkii kala xidhan yahay.

Marka, dawlada federalka Somalia si ay Ictiraaf dhamaystiran u hesho waxay ahayd in ay soo af-jarto wada jirka ama kala-jirka Somaliland iyo Somalia. Nasiib daro, waxay qoladani Xamar u qaateen mar haddii casimada haystan in ay Ictiraafkeeduna dhamaystiran yahay. Haddaba, waxaa mar labaad lagu xujeeyay, haddii aad doonaysan in kabayaasha dhaqaalaha la idinka cawiyo waa in Somaliland iyo Somalia ay heshiis ku tihiin.

Waxaa igu maqaal ah in dhaqale dhan US$800 Million loogu deeqay Somalia iyo Somaliland si ay saddex sano gudahood mashruucyo loogu fuliyo. Waxaa kale la siinaya US$45 Million sanadkiiba oo lagu kabayo miisaniyada dawlda Federalk Somalia iyo ta Somaliland. Haddaba, dawlada Farmaje wuxay iska dhaadhicisay mar haddii ay iyagu Ictiraafkii haystan in ay lacagtana qaadan karan. Lakiin waxaa loo cadeeyay haddii Somaliland ka ma qantahay in waxba la siinaynin.

Shirkani waxaa la isku haystay, ooy ku kala kaceen qodanbka odhanayay “In aan la sidaasadeyn kaalmooyinka dhaqaale ee calamiga ah iyo gargaarka bani-aadamnimo”. Dawlada Farmaje waxay ku dooday, mar haddii iyaga yihiin dawlada la Ictiraaf san yahay, in iyagu soo qaadan, kadibna Somaliland inteeda siiyan. Somaliland way diiday. Sida uu Qudbada Madaxwayne Muuse Biixi ku sheegay, dalalka dhaqaalaha bixiya oo dalka Maraykanku ugu horeeyo waxay ugu jawaabeen:
“Haddii aanu waxa idin siinayno Somaliya oo dhan ayaan wax siinaynaa, haddii dayn aanu idinka daynayno Somaliya hore oo isku jirta oo dhan ayaan ku daynaynaa, haddii ayndan ku heshiis ku ahayna socon mayso, sida u qaybsanaysan idinku ka heshiiya”
Somalia waxay ku faanto dawlada la Ictiraasan yahay ayaanu nahay, Somaliland hawada ayaan ka soo xidhaynaa, dhaqaalaha ka soo xidhaynaa. Waxaa loo cadeeyay dawlada Farmaje, hadii Somaliland qaybteeda helin in idinkana lacag la idin siinaynin, daynin la idinka daynin.

Haddii si kale u dhigno waxaa loo cadeeyay in Ictiraaf ay haystan aanu soconaynin. Somaliland goonideeda loola macaamilaya, ilaa iyo inta heshiinayan.
Haddaba, dawlada Farmaje iyo dadka Xamar ee Ictiraafkay ku fanayeen mee? Waxaa loo cadeeyay in Somalia haysan Ictiraaf, Ictiraafkii la siiyay laga noqday.
Hadaba, shirkani waxay Somalia ku jirtaa meel adag, waana halka aynu la rabnay. Marka laba mid ayaa noqon:
In dawlada Farmaje ogalaato shuruudaha ay Somaliland kula heshiiyeen oo dhan. Kuwasi oy ugu mihiim sanayeen:

In aan la siyaasadeen kaalmooyinka dhaqaalaha ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamiga. Iyo
In sida hore loogu heshiiyay Hawada-Sare-Somalida loo qayb sado.
Marka haddii ay ogalaadan qodabadni, Somaliland dhaqaalo fiican ooy u bahan tahay ayay helaysa. Dhaqaale ay qadiyadeena calamka kaga olalayn karno. Calamkuna waxuu ku qasbanaan doona in Somaliland Afti laga qaado. Haddaba, waxaa laga raba in Somaliland olalaha Ictiraaf radinta ka bilawdo dalalka Galbeedka Afrika, khasatan kuwa marxaladahani aynu soo marnay oo kale soo maray; sida Senegal iyo Gambia oo kale.
Haddii dawlada Farmaje diido qodabadani, marka waxay calamka u cadayn doonan in ayna diyaar u ahayn wada hadal iyo nabad galyada gobalka. Marka, hay’ada IMF lacagta daynta kama dhafayso, lacagna lama siinayo. Somaliland waxay haysta markhatiyo dhagaystay garteeda. Marka waa in Somaliland calamka ka codsato in dadka Somaliland mar labaad Afti laga qaado. Waxaan hubaa calamku ogalanayo.
Lakiin, anigu ma qabo in dawlada Farmajo diidaysi. Wayo, WAA QUUS, OO LACAG AYAY U BAHAN YIHIIN (THEY ARE DESPERATE).

Somaliland shirkani waxay calamka u soo bandhigtay garteeda. Markaa laba mid ayay noqon doonta:
In Somaliland maxkamad iyo hay’da sida Afrikan Union qadiyada gayso, oo halka laga dodo. Taasina ay dhaxalsiin doonto in dadka Somaliland Afti laga qaado.
Haddii kale, waxay Somaliland u bahan tahay in ay saxibo kale raadsato.
Somaliland waxay ku tala meel Istarataji ah (strategy), oo badeecadaha calamka iskaga goosha badankeeda ayaa ina hor mara. Khasatan, kuwa u socda Asiya, Afrika iyo Yurub. Sida daradeed dalalka Yurub iyo Maraykanku Somaliland way u bahan yihin.

Mida kale, calamka waxaa ka jira loolan dhaqaale iyo mulitari. Dalka Maraykanku waa awooda ugu wayn ee dhaqaale iyo military ee calamka. Lakiin, waxaa iminka kula tartamaya dalka Shiinaha, oo saldhig mulitari ku leh dalka DJabouti.
Sidoo kale, dalka Ruushka oo ka maqnaa loolanka siyaasada ayaa ku soo biiray iminka. Waxanay bilaabeen in ay soo celiyan xidhiidhkii qarada Afrika la lahayeen. Mida kale, dagaalka Liibiya ka socda, dalalka Ruushka, Masar iyo Imaradku ayaa isku dhan ah oo tageeraya Janaralka Hafti, halka Qadar iyo Turkiguna dhinaca kale yihiin.
Ujeeda ugu wayn ee Ruushku ka leeyahay tageerida Janaral Hafti waa inuu saldhig mulitari ka helo Liibiya, si awoodisa bada Madetrian iskugu fidiyo. Sidoo kale, dawlda Eritiriya ayaa saldhig mulitari ka siisay Bada Cas.
Marka, Somaliland waa bogcada kaliya ee bada Cas/Carbeed een cid haysan. Dalalka galbeedkuna ma raban in cid iyaga ka soo hor jeeda ay timado Somaliland. Sida daradeed, haddii dalalka Galbeedku ixtiraami waayan go’aanka shacabka Somaliland. Somaliland waa in ay xulafo kale oo tageera qadiyadadeeda raadsato.

 

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!
OMAR A YOUSUF
OAKLAND, CALIFORNIA
Omaryousuf455@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker