Wasiir ka tirsanaa Xukuumadda Soomaaliya Oo Geeriyooday

Magaalada Dubai ee waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta waxaa maanta ku geeriyooday wasiirkii Dastuurta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

 

Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka waxbarashada dowladda Soomaaliya oo ay Dubai isla joogeen wasiirka geeriyooday, saaxiibo dhowna ay ahaayeen ayaa   xaqiijiyay geerida Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

 

Waxa uu wasiir Goodax Barre sheegay in halkaas uu Xoosh u tagay ka qeyb galka arooska gabadhiisa, balse uu uu xalay oo khamiis ahayd xanuun kusoo booday.

 

“Innaa lillaah wa inaa ileyhi raajicuun, geeridu waa xaq, waa meel loo wada socdo, runti xanuun kusoo booday ayuu ahaa. Waxaan Dubai isugu nimid inaan u gabadhiisa arooskeeda sameyno, laakiin nasiib darro ayaa dhacday, wuu xanuunsaday, markii isbitaalka la geeyayna wuu kasii daray, xalay wuxuu ku baryay qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee isbitaalka, ugu dambeynna goor dhaweyd oo maanta ah ayey naftu ka baxday, Alle ha u naxariisto, qabrigiisana ha u waasiciyo”, ayuu yidhi Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre .

 

Wuxuu intaas ku daray in meydka wasiir xoosh loo soo duulin doono magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid CabdiraxmaanXoosh Jibriil waxaana uu tacsida u diray ehelada, Qaraabada, asxaabta iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay wasiirka ka tirsanaa xukuumadda federaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo tacsi taas la mid ah diray ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sidii aas qaran loogu sameyn lahaa wasiirka geeriyooday.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ahaa siyaasi caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii Soomaaliya soo maray.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker