“Kenya Haddii ay Dhinac Mari karto Shuruucda Africa Way Aqoonsan Lahayd Somaliland,. “

Arrimaha Aanu ku Eedaynayno Kenya Waxaanu soo Saari doona Miiska ” ayuu yidhi Wasiirka Areimaha Debedda Somalia Maxamed Cabdirisaaq.

 

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si adag uga soo hor jeedo in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi lagu casuumo Nairobi,

 

Isla markaana wax yaabaha ay Soomaaliya ka gadooday ay tallaabadaasi ka mid tahay.

 

“Arrinkaas waa arrin aan ka soo hor jeedno faro-gelinna u Aragno , ayuu intaas ku Daray.

 

Kenya hadii maanta sharciga iyo Axdiga Wadamada Afrika ay baal-mari karto weyba Aqoonsan laheyd Somaliland,

laakiin waa ay ku dhawaatay oo buun-buuninta la siiyey soo dhaweynta Muuse Biixi, waxay tilmaan u tahay, sida dalkeenna weerarka loogu yahay, berrina wax diidaya ma leh in gobol kale oo Soomaaliyeed ay Kenya sidaas u maamuusto,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker