Jannadii Ifka! Cabdiraxmaan M. Cali Ubaxle

Maansada Jannadii Ifka,waxay soo baxday horaanta bisha 6aad ee sanadka 2018. waa maanso qofkasta oo jacayl iyo waayihiisa la il daran hiil u ah, oo ka amaamudantay dhacdo aan dheeldheel ahayn, isla mar ahaanta dhalanteeka ka fog.waxay kaloo ku dhex qaadsiinaysaa, xasuus dheer oo dalxiis iyo dalsan qurxoon ku dhex gaynaysa, oo nafta iyo niyaduba ku degayso ,oo aad ku ildoogsanayso. Waxay wax ka iftiiminaysaa dhidibida iyo sii dhisnaanshaha dhabta ah, iyo waxyabaha burburka iyo bay hoofka horseeda.gunaadkana waxay tibaaxaysaa in haddii nolosha laysku fahmi waayo oo danta laysku afgaranwaayo dhamaadku yahay in aan lays qabqabsanuune lakala faataxaysto .

 

Indha johoradeey
Dhex-yarjalaqsaneey
Jinni quruxsaneey
Joogdheer haween
Jawhar toodiyeey
Sida kayn jiqiyo
Jeegaanta roob
Waad i jiidatee
Jannadii ifkaay!
Kolna ay jufoo
Jir ku hoorayoo
Jirda gooyihiyo
Cir ku jiifsadaay

 

Godan iyo jidhaan
Xareed jiifta iyo
Ubax jaad walboon
Laga jeesanoo
Ishii jeellanayd
Jiho kale nacdaay

Shimbiraha jalbeeb
Codka jiibta wacan
Isla jaan rogiyo
Raha jalawle iyo
Dhirtan jiiq lahee
Jamcinaysa hees
Baad la jaad tahoo
Maskax jaanisliyo
jidhkan daalaybaa
Judhii kugu nastee
Dhul jasiiradiyo
Jawi xiisaloo
Naftu joog tidhaay

 

Kol jarkii Tabciyo
Jidka Shiikh maraay;
Mar Jamaame iyo
Jubbadii dhexaay
MarJabbuuti iyo
Jigjigiyo Burciyo
Jeexii Booramaay
Marna jiidhahoo
La jarmaadiyoo
Joof guduudka iyo
Jeeraarradii
La jaleecayaay

 

Naf jacaylhayoo
Juuq-goys ah baa
Kula jaartayoo
Kuu jiidh go’dee
Tay u jeeshayee
U jirraysantee
La jibaadaysee
Jirinaysay iyo
Jeexeediyeey;
U jawaab kol oo
Ku jantay dhahoo
Jahadeeda eeg!

 

Qofka jaahilaa
Jarka laga ridaa
Jabyo ciil badoo
Jisihii dhaxlee
Sida jiilka kacay
Jinaweey ha noqon
Tu jikaar U nool
Jeeskii cuddoon
Raxmadduu ku jiro
Farxaddiyo jawiga
Jeesjees ka dhawr

 

Nin jibbaysanoo
Jaahwareersan iyo
Jin-maryoolihiyo
Juuq dhagaystahaa
Jid xun kula rabee
Ha u joojinoo
Ha u juuqinoo
Afku yuu ku jabin

 

Inaan jaalno oo
Jidsan qaadno oo
Danta wada jirnoo
Jabad roon degnaan
U jidiin go’ee;
Qabso jaaniskaa
Ku dul joogsadoo
Dumar waa Janniyo
Jaxar wada dhashee
Mid jaguug ah iyo
Haygu noqon jafaaf!

 

Jirjiroolihiyo
Qofka kula jiraa
Kala jaad ahoo
Kolka lagu jabaad
Garan jeer danbee

 

Ma ogtahay Jamaad
Marka calaf jirana
Cidi ma joojisoo
Dhulka kama jaree
Isma lihi jujuub
Kol haddaanu jirin
Xubbi iyo jacayl
Isma jiidanee
Halkii kuusan joog
Kaatagaye tagaye jaw

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker