Dad Shacab ah Oo ku Dhintay Duqeyn Maraykanku ka Fuliyay Degaanka Kuunyo Barrow.(Sawirro)

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey iney duqeyn ka fuliyeen gobolka Sh/hoose, gaar ahaan degaanka Kuunyo Barrow.

 

Qoraalka uu talisku soo saaray ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 25-ka June lagu dilay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, waxayna intaas ku dareen inay baadhayaan haddii dad rayid ah uu  khasaare kasoo gaadhay weerarka, baadhitaankaasina loo fulin doono sida uu qabo xeerka ciiidamada Mareykanka.

Balse warbaahinta Alshabaab ayaa beenisay hadalka Maraykanka, iyagoo sheegay in lagu dilay duqeyntaas ganacsade caan ka ahaa degaankaasi laguna magacaabi jiray Aboow Cali Waardiyow, kaasoo xoolo iyo beero ku lahaa degaanka kuna shaqeysan jiray gaadhi uu isagu leeyahay, kaasoo ku duqeeyeen ciidamada Mareykanka.

Aaska ganacsadaha ayaa waxaa ka hadlay ehelkiisa oo sheegay inuu san ka mid ahayn Alshabaab, balse uu ahaa qof shacab ah oo beeraley ah, waxaana xilliga gaadhigiisa la duqeeyay uu ku sii jeeday degaankiisa Arabow, waxaana duqeyntu ka dhacday meel 18km u jirta Kuunyo-barrow.

Duqeynta diyaaradaha Mareyakanka ayaa marar badan lagu dilaa dad shacab ah, iyadoo ciidamada Mareykanka sheegaan inay baadhayaan marka ay soo baxaan warar sheegaya in duqeyntooda ay dad shacab ah wax ku noqdeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker