Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ka furmay Teendhada Afisyooni waxaa sidoo kale ka qeybgalaya madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Waxaa shirka looga hadlayaa dhammeystirka Heshiiskii 17 Sep iyo xallinta khilaafka ka taagan arrimaha doorashada oo aan weli heshiis laga gaadhin.

Shirkan oo ay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed aad isha ugu hayaan ayaa dhaqdhaqaaqiisa aad laga dareemayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker