Dawladda Somaliya iyo Al-Shabaab oo labaduba beeniyey inuu wadahadal dhexmarayo

La-taliytaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa u sheegay VOA inaysan dawladdu waanwaan kula jirin Al-Shabab.

“Siyaasadeena ku aaddan wadahadal lala galo Al-Shabab waxba isma beddelin,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali.

“Wax wadaxaajood ah kulama jirno kooxda. Hase yeeshee shaqsiyaadka doonaya inay kasoo baxaan kooxda waxaa la marin doonaa nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dawladda,” ayuu intaas ku daray.

Waxaa kale oo la-taliyuhu sheegay inaysan wax codsi ah oo wadahadal khuseeya aysan ka helin Al-Shabab.

Hadalka La-taliyaha ayaa ka dambeeyey markii wakaaladda wararka ee Associated Press ay daabacday warbixin soo xiganaysa Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhigga Cabdulfataax Qaasim Maxamuud oo dhahaya waxaa dawladda Soomaaliya ay codsi wadahadal ah ka heshay Al-Shabaab.

Isla ururka Al-Shabaab ayaa sidaasi oo kale maanta beeniyey inay wadahadal kula jiraan dawladda federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa u sheegay warbaahinta ururkaas inaan wadahadal u dhexayn, dhexmari karina dawladda Soomaaliya.

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo dadka degaanka ayaa tan iyo bishii Ogosto waday hawgallo degaanno badan looga qabsaday urruka Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker