Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay baroor-diiq qaran oo lagu maamuusayo ra’iisul wasaare Nuur Cadde

London (OWN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga Tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid – Alle ha u naxariistee – Raiisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka weyn ee uu Nuur Cadde – Alle ha u naxariistee – kasoo qaatay dib u soo kabashada dalka, isaga oo wakhti adag u istaagay in uu ka shaqeeyo dowladnimada iyo samata bixinta dalkeenna.

“Innaga oo garoowsan dadaalka uu marxuumku ku bixiyey dalkiisa iyo dadkiisa, waxaan ku dhawaaqayaa Baroor-diiq Qaran oo saddex maalmood ah, iyadoo hoos loo dhigayo muddadaas calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aynu u siinno Raiisul Wasaare Nuur Cadde –Alle ha u naxariistee – Maamuuska Qaran ee uu naga mudan yahay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuumka oo ahaa halyeey qaran oo taariikhda ku galay tanaasul iyo nabadeyn, Alle u weydiiyey in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdows, eheladiisa iyo saaxiibadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Nuur Cadde ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay November 2007 iyo February 2009.

 

 

Nuur Cadde ayaa intii uu xilka hayey waxay is-khilaafeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana loolankaas oo uu ku adkaaday ay qasabtay in madaxweynaha uu xilka iska casilo 29-kii December 2008.

 

 

Nuur Cadde ayaa waxaa sidoo kale lagu xusuustaa wada-hadalladii nabadeed ee uu la galay Isbaheysigii Asmara, ee uu hoggaaminayey Shariif Sheekh Axmed, taasi oo hoggaamisey shirkii Jabuuti ee madaxweyne loogu doortay Shariif bishii Janaayo 2009.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker