Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in wadahadal lagu xalliyo colaadda Itoobiya.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhowaan ka qeyb gasho shir looga hadlayo xaaladaha ka aloosan Itoobiya iyo Sudan oo ka dhacaya dalka Uganda.

Qoraal kooban oo uu bartiisa xidhiidhka bulshada soo dhigay Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga Soomaaliya , Maxamed Cabdirizaaq Maxamuud ayuu ku sheegay in 15-ka bishan uu magaalada Kampala ka dhici doono shir ay isugu imanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD, kulankaas oo looga hadli doono arrimaha ka taagan waddamada Itoobiya iyo Suudaan ayuu sheegay inuu ka qeyb geli doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan oo muhiim ah ayuu sheegay Wasiirku in lagu gorfeyn doono xaaladaha ka taagan dalal ka mid ah Bariga Afrika, ayna muhiim tahay in laga yeesho siyaasad isku mid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker