Ciidammada Militariga Itoobiya Oo La Wareegeen Waddooyinka magaalada Jigjiga.

Jigjiga(OWN)- Wararkii ugu danbeeyey ee Xaaladda magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida  Itoobiya  ayaa degan kaddib markii ciidammada Militariga Itoobiya ay la wareegeen waddooyinka magaalada Jigjiga.

 

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool magaalada Jigjiga ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay saakay xilli hore Ammaanka magaalada la wareegeen, waxaana sidoo kale Ciidamadaasi Ammaanka la sugaya Ciidamada Booliska.

 

Milatariga Itoobiya ayaa inta badan looga baran in ay soo dhexgalaan magaalooyinka, waxaana la sheegay in ay ka soo guureen xeradii ay ka deganaayeen duleedka Jigjiga.

 

Saraakiisha Dowlad Deegaanka waxay sheegeen in la dejiyay xaaladda islamarkaana magaalada ay hadda xasiloon tahay, Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga waxaa ku dhintay labo qof halka ugu yaraan Saddex qof ay ku dhaawacmeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker