Noocee ayuu ahaa hubkii kiimikada ee loo adeegsaday magaalada Douma?

ay’adda maamusha hubka kiimikada ee OPCW ayaa baaritaan ay wadday ku soo gebagabeeysay in weerarkii sunta kiimikada ee magaalada Douma ee dalka Suuriya loo isticmaalay chlorine.

 

Hay’adda OPCW ayaa sheegtay in baaritaankooda uu muujiyay in sun kiimiko ah loo isticmaalay weerarkaasi.

“Suntan kiimkikada ah waxaa ku jirtay chlorine halis ah,” ayay hay’addu intaasi ku dartay.

 

Dhaqaatiirta ayaa sheegtay in 40 qof oo ku sugnaa goobaha ay ka taliyaan kooxaha mucaaradka ah ay ku dhinteen weerarradaasi loo adeegsaday hubka kiimikada ah.

 

Mareykanka,UK iyo Faransiiska ayaa ciidamada dawladda Suuriya ee sugnaa magaalada Douma ku eedeeyay in ay weerarkii 7-dii bishii April u adeegsadeen hubka kiimikada, waxa ayna markaasi ku qaadeen weerar dhanka cirka ah oo kooda jawaaab u ahaa.

 

Dawladda Suuriya ayaa iska foogeeysay eedeeymahaasi oo sheegtay in ay waligeed isticmaain hubka kiimikada ah.

Baaritaanka hay’adda OPCW waxa uu ku saleysnaa tijaabooyin laga soo qaaday deegaannada uu weerarka ka dhacay, wareeysiyo dad goob-joogeyaal ahaa iyo baaritaanno kale oo ay sameeyeen xubno ka tirsan guddiga xaqiiqa raadinta oo laba toddobaad ka dib booqday dhawr goobood oo ka tirsan magaalada Douma.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker