Israel oo weerar culus ku qaaday Marinka Qasa ee Arlada reer Falastiin.

Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ciidamada Israel weerarkii ugu cuslaa tan iyo dagaalkii sanadkii 2014-tii ku qaadeen goobo ay mitidiintu ku leeyihiin marinka Qasa.

Waxa uu ra’isal wasaaraha Israel sheegay in weeraradaas lagaga falcelinayo falalka aragagixisada ah ee Xamaas oo goobahooda gantaallo lagaga ganay Israel. Waxaanu ku nuuxnuuxsaday in weerarradaa laga fursan waayey.

Israel waxay sheegtay in duqayntaa lagu baabiiyey goobihii tabobarrada ee ururkaa mitidka ahi lahaa.

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa iyaguna sheegay in laba kuray oo dhawr iyo toban jirro ah lagu dilay, ugu yaraan shan iyo toban qof oo kalena ku dhaawacmeen magaalada Qasa.

Laanta gurmadka degdega ah ee Ambalaasyada Israel ayaa iyaduna sheegtay in saddex Israel-iyiin ahi dhaawacmeen.

Xigasho: BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker