GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND WAA HAWL GAB 13 August 2019 14:47 42 KB

marka hore UMADAHA ISLAAMKA IYO  SHANTA SOMALI WEYEN  waxan leehay CIID WANAAGSAN KU WADA CIIDA CAAFIMAAD SAN.
waxan u baryeyaa bulshada somaliland  khayer bash bash iyo barwaaqo ku wada noolaasho CADAALAD IYO SINAAN.
nimcada nabada tiirarkeedu waa  xaq soor iyo cadaalad lagu dhaqo bulshada walaalo xigto iyo xigaal wada ah ee ku wada
dhaqan SOMALILAND taasi oo lagu gaadhi karo GUUL GOBANIMO IYO HORU MAR xadiis baa odhanaya (WAXAAD NAFTAADA LA JECLAATO WALAALKAANA LA JECLAW) waxan qabaa dulum ku jiqsii ka cadgooso cadaawad mooyee caano iyo nabad
dhalimayso waxan kula talinayaa inta maanta amaanada SOMALILAND xambaarsan xil culus baa saaran ha dayicin amaanada umada u cadaalad fal if iyo aakhiro waad ku liibaani dalkuna guul iyo barwaaquu ku gaadhi himiladeenuna waxay dhali
khaatumo khayer DAL MIDAYSAN  DAD MIDAYSAN  IYO RAALI ALLAHA WEYEN.
WAXAN U RAJAYNAYAA SL NIMCADA NABADA AH  EE EEBE INAGU GALADAY IN AYNU XOOJINO OON XAQSOOR KU ILAALINO.
GOLAHA GUURTIDA IYO HAWL MAALMEEDKOODA WAA MAXAY.
===================================================
waxa ka jira Gola guurti  (S.LAND UPPER HOUSE COUNCIL).
waxa uu ka koobanyahay 80 xubnood iyo wax ka badan
loogu magac daray aqalka sare ee somaliland waa oday dhaqameed lagu aas aasy
duqay loogu talo galay xalinta xiisadaha iyo khilaafyada la soo dersa bulsha weyenta somaliland
shacab ahaan iyo moronada ka dhasha axsaabta iyo xukuumada dalka.
waxay u xaadiraan mishaaro aad u badan oo gaadha kumanaan doolar xubintii keliyaba
shaqa maalmeedkoodu waa jiifoo jaq wax hawl qaran oo muuqda ma jiro aan magac u yaal  ahayen
waxay kayed u ahaayeen maalinta ay taagantahay yaa maalijiray iyo ismari waa in ay
koofiyada iyo cumaamda soo xidhaan xeerbeegtinmo xaajada dhabarka u ritaan
GEEDKA NABADA la tagaan rogrogaan gurfeeyaan XAAJO AAN LA ROG ROGIN
RAGBAAN HELIN xal cadaaledeed ka soo saaraan gartana guul biyo kama dhib ku
dhamays tiraan. may dhicin dhangoodii way gabeen gola guurtidu.
 BAL ILA DHAWR AKHRISTOW.
1.WAXA GOLAHA GUURTIDA LOOGA FADHIYEY IN AY SOO AFJARAAN
MORANKII DABA DHEERAADAY EE IS MARIWAAGA AXSAABTA QARANKA
KU SUNTANAA KOMISHANKA HALA KAL DIRO IYO MAYA
SADEX SANO AYUU IS MARI WAAGAASI TAAGNAA WAA SHAQADII
GOLAHA GUURTIDA XALINTA AMUURTAA MAY DHICIN.
WAXA SOO AFJARAY NIN IYO NAAG REER ENGRIIS AH WAA NASIIB DARO GUURTIDA DUL HOGANAYSA.
2.DAGAALADA IYO DHIIGBAXA KA QUBANAY SANAAG( CEEL AFWEYEN IYO GAR ADAG) WAA SHAQADII
GUURTIDA MAY HOLAN WAA GUULDARO KU SUNTAN GUURTIDA.
DHIIGAAS OO WELI QUBANAYA DAREEN GUURTIDA AANU MUUQAN WAA NASIIB DARO.
JABHADII WABAR,KHAATOUMO, IYO CAARE HADALKEEDA DAA.
SUAASHU WAA WAAR MAXAY MEESHA U FADHIYAAN EE AY KUMANAANKA DOOLAR BISHII KU QAATAAN.
ARINKOODU WAA (MEESHA KAMA TAGE WAXNA KAMA TARE).
 3.DORASHOOYINKII GOLAYAASHA 13 JIRSADAY  HADALKOODABA DAA XAALKOODU WAA SIDAAN RABAY.
XAALKOODU WAA (NIN DEMBI UU BADHLEEYAHAY BAL DAWEE LA LEEYAHAY IN LA DAARO MA OGOLA).
BULSHO IYO MAAMULBA HOOS HALOO EEGO FAAIIDADA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND
WAA RAMBAS GROUP.
XAQ U DIRIR,
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker