Haweenay Aflagaadaysay Madaxwaynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan Oo Xabsi Dheer Lagu Xukumay

Maxkamada dalka Turkiga ayaa mudo sagaal sano iyo sideed bilood ku Xukuntay haweeney ka tirsan isbaheysiga mucaaradka Turkiga.

Canan Kaftancioglu, oo xubin ka ah xisbiga Republican People Party oo loo yaqaab (CHP) ayaa lagu eedeeyay in ay aflagaadeysay madaxweynaha Turkiga Rajab Thayib Erdogan.

Haweeneydan ayaa dhanka kale lagu helay in barta ay ku leedahay Twitter-ka ay ku aflagaadeysay shaqaalaha rayidka ah ee dowlada.

Garsoorka maxkamada ayaa xaqiijiyay in fal danbiyeedkan ay geysatay intii u dhaxeysay sanadkii 2012-kii ilaa 2017-dii.

Ms oo dhankeeda la hadashay markii ay soo dhamaatay maxkamadeynteeda taageerayaal taabacsan ayaa sheegtay in aysan wax danbi ah laheyn balse xukunkeeda uu ka yimid madaxtooyada Turkiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker