Guddoomiyaha Guddiga Qandaraaska Qaranku Wuxuu Ku Foogan Yahay Shaqo Aan Loo Dirsan iyo Dadweynaha Degmada Qoryaale Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey

Gudi Beeleed Sifo Sharciga Baal Marsan Maamul Cusub Umagacowday Degmada Qoryaale Iyo Masuuliyiin Qiil Uraadinaya,

Gudida Gaashaanbuur Axmed Faarax Ayaa Maanta Ku Dhawaaqday Inay Maamul Cusub Usamayeen Degmada Qoryaale , Maamulkaas oo bedeli doona maamulkii hore ee Dawlada ujoogay Degmada Qoryaale.

Nimanka ay odayaashu umagacaabeen Degmada ayaa ah niman Dayn Badan oo gaadhaysa $ 50,000 oo Dollar ay Go,antahay, Sidaad aawadeed ay gudidu ugaratay in dayntaasi mudo Sanada ay iskaga soo bixiyaan kharashaadka lagu horumarinayo Degmada Qoryaale.
Arintani ayaa Amakaag iyo Fajac ku noqotay Bulshada degmada Qoryaale ee Horumarka Doonaysa in Gudida Joogta Burco ay go,aamiyeen in Daynta la iskaga baxsho , Cashuurtii Wax Loogu Qaban Lahaa Degmada.
Gudida gashanbuurta Ayaa Siweyn ubaal martay Qaanuunka iyo sharciga Dalka Uyaala Oo dhigaya Cida maamu magacaabi kartaa inay tahay wasaarada arimaha Gudaha somailand, Waxaana La filayaa in Mudaraad Salmi ay Kaga jawaabi doonaan Bulshada Degmada Qoryaale Arintaasi Maalmaha Soo Socda.

Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxa,ed Xuseen oo ay is hayaan maamulka degmada Qoryaale ayaa si dhakhso uga soo baxay Hargeysa oo gaadhay Magaalada Burco si uu qiil ugu raadiyo maamulka sharci darada ah ee gudi beeleedu usoo xushay degmada Qoryaale.
Waxaana gudoomiye Nuux uu qarash badan ku bixiyay sidii looga hortagi lahaa Dareenka Shacabka Qoryaale ee kasoo horjeeda Maamulka sharci darada ah ee daynta loo siiyay Degmada.
Arintani ayaa saamaynaysa nabadgelyada iyo horumarka deegaanka hadii aanay si dhakhso wax uga qaban Dawlada Somaliland.

 

 

mawlid Cabdiraxmaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker