Dad Ku Dhintay Roobkii Xalay ka Da’ayey Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho in ka badan xalay ilaa saaka waxaa  ka da’ayay  roobab xooggan oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, khasaarooyin kala duwana geystay.

 

Meelaha saameynta ay ku yeesheen roobabka ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukarama oo ah wadada  ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

 

Wadada ayaa waxaa buux dhaafiyey biyo aad u fara badan iyo daadad ka soo rogmaday roobabka oo ka soo rogmaday xaafadaha taaga ee xiga dhinaca degmada Waaberi, iyadoo isku bedeshay sida webi oo kale.

Sidoo kale daadadka roobka ayaa gudaha u galay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku teedsan wadada Maka Al-Mukarama, waxaana ka mid ah goobaha ay biyuhu dhex fadhiisteen maqaayado, carwooyin, hotelo iyo dukaamo kala duwan.

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku geeriyootay, kadib markii dad badan oo ku dumay gurigooda.

 

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda ayaa faray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah in ay u istaagaan ka hortagga dhibaatooyinka binu aadan tinimo ee xilliyada roobabka soo food saara dadka danyarta ah.

 

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolku in ay ka shaqeeyaan yareynta xaaladda binu aadantinimo ee soo food-saarta dadka danyrata ah, xilli roobaadka, qorshahaas oo ay muhiim tahay in gacan ka geystaan qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan ganacsatada iyo ururrada samafalka.

 

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka Caasimadda, degdegna ay howlwadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa marinnada halbowlaha u ah isu socodka bulshada, loona yareeyo saameynta biyaha qulqulaya ay ku leeyihiin nolasha iyo bilicda Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker