Xulalka Ingiriiska iyo Croatia Oo Usoo Gudbay Wareegga Seme-finalka Koobka Dunida

Xulka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay taariikhda 1990-kii kadib iska xaadiriyay wareegga isreebreebka sem-finalka koobka aduunka 2018Ciyaar kusoo idlaatay 2-0 ayaa xulka lagu naaneyso sadexda libaax (Three lion)waxa ay uga badiyeen xulka Sweden oo kamid ah xulalka loo saadaalinayay ku guuleysiga koobka aduunka ee ka soconaya dalka Raashiya.Labada gool ee xulka ingiriisku ay ugu awood sheegteen Swedeshka,isla markaana ay ku xaqiiqsadeed usoo bixitaanka seme-finalka koobka dunida waxaa u kala saxiixay ciyaaryahanada Harry Maguire iyo Deli Ali ,kuwaasoo farxad huwiyay taageerayaasha xulka England ee camirnaa garoonka Samara Stadium.Taariikhda inta la ogyahay Ingiriiska hal jeer  ayuu qaaday koobkan lagu tartamayo ee dunida ,waxa ayna ahayd sanadii 1966,markaas oo ay isla iyagu martigeliyeen koobkan.Dhanka kalena xulka Croatia ayaa iyana ciyaar laysku daalay oo socotay mudo 120-daqiiqo ah,rikoorayaal uga soo gudbay xulka marigelinaya koobka ee Ruushka,waxaana xulkan uu noqday xulkii ugu horeysay ee 2018 markii labaad oo isku xigta kusoo baxa rikoore,xili horey ay xulka Switzerland ay  ku reebeen afar dhamaadka rikoorayaal haatanna ay 4-3 ku reebeen Ruushka.Ciyaaryahanka Ivan Rakatic ayaa mar labaad qaatay goolka guusha u horseeday xulkiisa Croatia,inkastoo Kovacic uu lumiyay gool ku laad rikoore ah,hase ahaatee Rakatic ayaa xulkiisa ka saaray mashaqada haysatay xulkiisa isagoona xulkiisa siiyay goolka natiijada kulanka ay la yeesheen martigeliyaha tartanka ee RuushkaXulalka England,Faransiiska.Belgimka iyo Croatia ayaa isku arki doona wareegga semefinalka tartanka koobka dunida ee dhici doona maalmaha talaadada iyo arbacada ee nagusoo aadan, waxaana xulalkan ay isku arki doonaan sidatan:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker